Halkee baad joogtay Oktoobar 15 – Oktoober 21, 1969
Maalintu waa ARBACA Bishu waa Oktoobar 15, 1969 Magaaladu waa LAASCAANOOD Maalintu bishu ay ahayd 15ka Oktoobar 1969, dadweynaha ree Laascaanood waxay la soo tooseen farxad iyo rayn-rayn. Waxay u diyaar garoobeen in ay soo dhoweyaan Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AHN). Maxadweynu wuxu socdaal ku marayey goboloda dalka. Madaxweyne Cabdirashiid waxa madaxweyne loo doortay sannadkii 1967. Wuxuu doorashada ka heley Aadan Cabdile Cisman(AHN) oo muddo todoba sannadood dalka madaxweyne ka ahaa. Cabdirashiid wuxu Raisal Wasaare u mgacaabey Moxamed Xaaji Ibrahim Cigal(AHN). Madaxweyne Cabdirashiid wuxu bishii oktoobar 1969 bilaabay in uu socdaal ku soo maro gobolada dalka. Maalintii bishu ahayd 15ka Okboobar 1969 Madaxweynuhu wuxu ku soo socday Magaalada Laascaanood. Dadweynaha reer Laascaanood waxay maalintaas u diraar groobayeen in ay soo dhoweeyaan Madaxweynaha. Farxad iyo rayn-rayn buu waagu ugu baryey. Waddooyinka magaalada Laascaanood waxa isugu soo baxay yar iyo weyn. Waxa ay ruxayeen calanka buluuga ah ee Soomaaliya. Caroorii waxa la safay wadooyinka hareerahooda. Dadka wejigooda waxa laga garanayey sida ay u rabaan in ay Madaxweynahood soo dhoweeyaan. Dadweynaha reer Laascaanood waxay ku talo galeen in ay baro dheereysiiyaan magaalooyinkii kale ee uu Madaxweynuhu soo maray. Maxaase dhacay!!! Ninkii gabyey wuxu yiri “markaan ku tashado wax taransaba, soowtii Alle meel ma…