SOMALI STORY DEC 2019

SHEEKO RUN AH

 

Soomaalidu tan iyo markii eebe ku abuuray Geeska Afrika, waxay kala qaadi jireen (kala dhici jireen) geela.

Sababtuna waxay ahayd geela oo ahaa hantida ugu qiimaha badan ee la haysytey. Kumanaan iyo kumanaan

rag ah ay  ku dhitay geel la dhacayo ama geel cadaw la celinayo. Qabiilka geel soo dhaca wuu qaybsan jiray geela.

Sida loo kala raganimo badan yahay ama loo kala geesinimo badan yahay ayaa geela loo qaybsan jiray. Waxa kale oo

loo qaybsan jiray nin walbla doorka uu ka qaatay geela la dhacayo ama inta nin ee uu ku dilay markii diriirtu socotay.

 

Hase yeeshee waa Ilaah mahadii. Intii uu bilowdey qarnigan 21labaatanaad, waxad moodaa in xoolihii la kala dhici jiray

ay yaraadeen. Waxa kale oo yaraadey dagaaladii iyo duulaankii qabiilooyinku isku duuli jireen si ay xoolo u soo dhacaan.

Waxaa kale oo yaraadey dagaaladii hablaha la isku dili jiray. Laba arimood ayaad moodaa in ay ugu wacan yihiin dagaalada

yaraaday.  Soomaalidii oo reer magaal noqotay oo ilbaxnimadu taabatay. Waxa kale oo dagaalada yareeyey dawladnimada

oo la soo fahmayo. Maantana waxay gaartay in qabiilooyinka qaar ay isu ceshaan geel ay kala dheceeen wakhti hore.

 

Sheekadan runta ah waxay ka dhacday tuulada la yiraahdo Celiyo,Degmada Daroor, Goboka Jarar ee Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

Rag baa soo dhacay geel mudoo laga joogo 33 sano. Ragan way qabysadeen geelii ay soo dheceen. Raga wax dhacay iyo kuwa laga soo dhacay waxay ahahaayeen dad meelo isu dhow wada dega. Waxaaney ahaayeen rag isyaqaan oo weliba ehel ah.  Sidaas oo ay tahay haddana damiirkoodu

kama celin jirin in ay isdhacaan ama isdilaan.  Hase yeeshee, sannakii hore(2018) dhamaadkiisii ayaa qiso layaab leh ka dhacdey tuulada Celiyo.

Nin ka mid ahaa raggii geela dhacay ayaa damiirkiisu siin waayey in uu geelan xaaraanta ah uu sii haysto oo weliba caruurtiisa xaaraan kusa

koriyo. Dhaqnka Soomaalidu marka qof ama reer ay tallaabo reerka ama qabiilka saameyneysa qaadayaan waxay la tashadaan odayaasha iyo

waax garadkooda.  Ninkan geela haystay la tashi ayuu sameeyey.  Odayashii iyo madax dhaqameedkiisa waxay ku raaceen go’aanka uu

gaarey ee ah in uu geela xaaraanta ah u celiyo dadkii iska lahaa.

 

Waxa fariin loo diray dadkii geela lahaa. Waxa lagu ballamay in lagu kulmo tuula la yiraahdo Celiyo. Munaasabadan

waxa ka soo qayb galay Guddomiyaha Daroor iyo Guddomiye ku xigeenka Awaare. Waxa kale oo lagu casumay odayaal

iyo dadka kale oo wax garad ah. Ninkii geela haystay ayaa sheegey in uu soo dhacay geela muddo laga joogo 33 sano ka hor.

Wuxu sheegeen in uu yaqiisadan in xoolahan uu haysto ay xaaraan yihiin. Sidaas darteed wuxu go’aansaday in uu iska celiyo

isagoo Ilaahay ka cabsanaya. Odayaasdhii iyo madaxdii ka soo qayb gashay ayaa u hambelyeey.

 

Geela la celiyey wuxuu dhamaa 26 neef. Waxa la yaab noqotay, geela waxa guddomay nin aan dhalan maalintii geela la dhacay.

Wuxu u mahad celiyey ninkii geela u soo ceshey. Madaxdii iyo odayaashiina waxay Soomaalida kale ugu baaqeen in ay sidaas

yeelann oo ay isu ceshaan wixii hanti ah ee la kala haysto.

Arinkan wuxu noqday “WAABAA BARYEY BILICSAN.”