Vaccine article

MUHIMADA TALAALKA OO DADKA WA WEYNE

 

 

Dad badan waxay qabaan xaalad caafimaadeedka muddada-dheer (sidoo kale loo yaqaan cudur joogto ah ama cudur daba-dheer) sida sokorowga, neefta, ama cudurka wadnaha. Hasa ahaatee, dad badan ma oga in xaaladahaas caafimaadeed ay u sababi karaan inay aad ugu bukoodaan hargabka. Badanaa dadka isbitaalka loo dhigo hargabka daraadii waxay qabaan xaalad caafimaadeedka  muddada-dheer.

 

Qabitaanka xaalad caafimaadeedka muddada-dheer micnaheedu waa nidaamka difaaca jirkaga horey buuba si adag u shaqeynayey. Marka ay noqoto inuu la dagaallamo cudur kale sida hargabka, waxay noqon kartaa wax aad u adag ama uga sii dari karaa xaaladaada caafimaadeed ee kale. Tani waxay dhici kartaa xitaa haddii aad qaadaneyso dhammaan daawooyinka saxda ah iyo haddii xaaladdaada caafimaadeed ee muddada-dheerna gacanta lagu hayo.

 

Qaadashada tallaalka hargabka waa habka ugu wanaagsan ee looga hortago hargabka. Qof walba oo jira 6 bilood iyo wixii ka weyn waxaa lagula taliyaa inuu qaato tallaalka hargabka sannad walba, laakiin wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay dadka qaba xaaladaha caafimaadeed ee muddada-dheer. Tallaalka hargabka wuxuu muujiyay in uu hoos u dhigayo khatarta in hargab loo bukoodo sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa khatarta yeelashada wax ka imaashaha hargabka ee halista ah sida tagista isbitaalka ama dhigista qaybta daryeelka degdegga ah.

 

Hargabku waa cudur uu sababo fayruus ku dhaca sanka, cunaha, iyo sambabbada. Hargabku wuxuu ku fidaa hawada marka ay dadka fayraska qaba qufacaan ama hindhisoodaan, ama iyadoo la taabto meel uu fayrasku yaalo kadibna ay dadku taabtaan afkooda ama indhahooda.

 

Calaamadaha hargabka waxaa ka mid ah qandho, qufac, dhuun ama cuno xanuun, madax xanuun, daal badan, iyo jir xanuun. Calaamadahaas waxay sida caadiga ah u bilaabaan si lama filaan ah ama kadis ah waxayna noqon karaan kuwo aad u daran oo kaa joojiya howlahaaga maalinlaha ah. Maaddaama dadka qaba xaaladaha caafimaadeed ee muddada-dheer ay u badan yihiin in ay aad ugu bukoodaan hargabka, tan waxay keeni kartaa inay seegaan ama ka baaqdaan maalmo badan oo shaqo, dugsi ama hawlo kale.

 

Xilliga hargabku wuxuu socon karaa illaa bisha Abriil oo dhan. Ma aha wali wax laga daahay in la is tallaalo iyo laga caawiyo ka ilaalinta naftaada iyo dadka agagaarkaaga jooga hargabka. Tallaalka hargabka waxaa laga heli karaa meelo badan. Kuwani waxaa ka mid noqon kara xafiiska bixiyahaaga daryeelka caafimaadka, waaxaha caafimaadka ee degmada, farmashiyayaasha, iyo rugaha caafimaadka ee tallaalka bulshada. Waxaa jira rugo caafimaad oo ku yaal gobolka Minnesota oo siiya tallaal lacag la’aan ah ama mid jaban oo loogu talagalay dadka aan haysan caymiska caafimaadka. Ka raadi rugta caafimaad ee kuugu dhow website-ka Xarunta Caafimaadka ee Minnesota ee ah www.mdhflu.com.

 

 

BY: MINNESOTA DEPARTMENT OF HEALTH