Cudurka Covid 19

Maxaad ka taqaana cudurka Covid 19 (Koofid 19)?

Sida aad la socotaan, dunida waxaa faro kulul ku haya cudurka Covid 19 oo uu keeno
Korona fayras.
 
Covid 19 waxuu ku dhacay dad ka badan 6 milyan waxaana u geeriyootay dad gaaraya
ilaa iyo 4 boqoloo kun dunida oo dhan.
 
Waxaa muhiim ah innuu qof kasta la socdo maclumaadka dhabta ah ee la xidhiidha
cudurka isaga oo kala soconaaya baraha laga helo xogaha cafimaadka ee lagu
kalsonaankaro sida kuwa Ururka Cafimaadka Aduunka (WHO), Barta rukta xakameenta
cudurada ee Mareykanka (CDC), Waaxda cafimaadka Guud ee Minnesota iyo
idaacadaha iyo telefishinada qaranka.
 
NB: Waxaa baraha qaar lagu fidiyaa maclumaad aan sax ahayn oo dadka cabsi ku
abuura, sidaas darteed hubso in wararka kusoo gaara ay yihiin kuwo run ah oo ka yimi
ilo lagu kalsoonyahay.
 
Covid 19 wuxuu ku dhici karo qofkasta oo ku nool dunida oo da’a kasta leh.
Wadamada uu sida daran uu u saameeyey waxaa ka mid dalkan Mareykanka oo uu
kuu dhacay dad ka badan 2 milyan waxaan u dhimatay dad ka badan boqo kun .
 
Calaamada lagu garto waxay soo shaacbaxaan 2 ilaa iyo 14 maalmood gudahood ka
dib marka uu cudurka haleelo qofka waxaana ka mid ah:

  • Qandho ama xumada
  • Qufac
  • Neefta oo qofka ku dhegta
  • Dhaxan iyo qarqaryo
  • Kor xanuun iyo lafo jajab
  • Dhadhanka iyo urta oo qofka ka tagta
  • Dhuun xanuun

 
Qofka isku arka calaamadaha kor ku xusan si deg deg ah ha ula xiriiro takhtarkiisa.
Waxaa isla markiiba loo dirayaa goobaha lagu baaro cudurka.
 
Inta aad jawaabta baritaanka sugeysid oo qaadan karta ilaa iyo 72 hours:

  1. Joog gurigaaga – gurigaaga isku karantiimee.
  2. Ka fogow dadka aad la nooshahay ugu yaraan masaafad ah 6 dhudhun ama
    2 yaardi. Haddii ay suuragal tahay, waxaa fiican in qofka buka lagu
    baxnaaniyo qol gaar ah oo musqul leh.
  3. Waa inuusan qofka ka bixin guriga isaga oo daryeel cafimaad raadsanaya
    mooye.
  4. Wac xarunta cafimaadka ama takhtarkaada ka hor inta aadan u tegin
  5. Ku dabool afkaada iyo sankaada maro ama afdabool marka ay kuu
    dhowyihiin dad kale
  6. Si joogta ah ugu faraxalo sabuun iyo biyo ugu yaraan muddo 20 ilbiriqsi ah,
    gaar ahaan ka dib marka aad musqusha /ama xamaamka isticmaashid, ka
    hor inta aadan wax cunin, ka dib marka aad duufsato, hindhisto ama
    qufacdo iyo ka dib marka aad debedda kasoo laabatid. 

 
Calaamadaha khatarta ee Covid 19 ee uu qof u baahanyahay inuu isbitaal aado
waxaa ka mid ah:

  • Neefasaha oo dhib ku noqota qofka
  • Xanuun joogta ah ama culeys uu qofka ka dareemo feeraha.
  • Qarow iyo qofka oo toosi waaya
  • Faruuraha ama wajiga oo midib doorsooma oo noqda cawl/buluug

 
Covid 19 waxaa halis dheraad ah ugu jira inay qadaan oo ay weliba u dhintaan:
 
Dadka qaba cudurada lala noolyahay sida:
Sokorowga/macaanka
Wadna xanuunka
Neefta iyo caabuqyada sambabada
Dadka kelyahooda aanay shaqeyneyd (Fashilka kelyaha)
Dadka maanacadoodu (difaaca jirka) ay hoos tahay sida dadka qaba kansarka iyo
Dadka da’ada ah/waayeelka liita ( 65 jir ama ka weyn)
 
Covid 19 talaal iyo dawo midna ma laha sidaas darteed,qofkasta oo inaga mid ah
waa inuu raacaa talooyinka Waaxda cafimaadka Guud ee Minnesota.