True Somail story

NIN LUMAY ISAGOO 4 JIR AH OO LAHWLAY
 
Cabdirisaq Ciise Guray wuxu ku dhashay magaalada Hargeys 1970kii.
Isagoo 4 jir ah ayey Aayadii u ka xaysay miyi/baadiye. Waxa la geeyey
baadiyaha magaalada Awaare oo ku taala Kilinka Shanaad ee
Itoobiya. Dhawr cisho ka bacdi Cabdirisaq isagoo keligii ah ayuu
duurka u kacay si uu ugu soo ciyaaro. Dib uguma soo noqon reerkii ee
wuu sii socday. Reerkii wuu ka fogaadey. NIn iska socda ayaa arkay
raadka ilmahan yar ee keligii ah. Ninkii raadkii ayuu raacay. Wuxu u
tagey Cabdirisaq oo geed hoos jiifa.
 
Ninkan waxa la yiraahdaa Maxamed Cali Qaasim. Maxamed wuxuu
inankii u kaxeeyey Dhagaxbuur. Odaygan Maxamed inankii wuu
korsaday. Wuxu u bixiyey Axmed Maxamed Cali. Axmed markii uu
weydnaadey oo uu wax bartay, wuxu tegey Addis Abab. Shaqo ayuu
ka helay. Mudo sanado ah ayuu Addis Ababa ka shaqaynayey.
 
Malin maalmaha ka mida ah ayaa waxa soo wacay odey Maxamd.
Wuxu u sheegay in uu xanuunsanayo. Wuxu bilaabay in uu waaniyo.
Markii waanadii uu dhamaystay ayuu u sheegay in uusan aabihii
ahayn. Axmed intuu yaabay ayuu telefoonkii ku dhigay. Axmed muddo
saddex cisho ayuu yaabanaa oo aanu odeygii la hadlin. Markii dambe
wuxu go’aansaday in uu odayga la hadlo si uu macluumaad uga helo.
 
Markii uu la hadlay ayuu odeygu u sheegay halka uu ka helay. Wuxu u
sheegay in uu ka helay meesha la yiraahdo Sugumaha oo duleedka
Awaare ah. Wuxu kale oo uu u sheegay reerka halkaas dega. Odeygu
wuxu ku jiri Axmed ii kaalay si aan macluumaad dheeri ah kuu siiyo.
Axmed wuxu yimid magaalada jigjiga si uu baabuur uga raaco. Intii uu
Jigjiga joogay ayaa been laga sheegay oo waxa loo taxaabay jeelka.
Muddo 5 sanadood ah ayuu jeelka ku jiray. Intii uu jeelka ku jiray ayuu
Odeygii geeriyooday(AHN).
 
Axmed talo ayaa ku cadaaday. Arintii ayaa ku adkaatay in uu qof u
sheego. Muddo markii uu joogay Jigjiga ayey is barteen nin la
yiraahdo Muuse Xussen Balayax (Ilaq). Dhawr maalmood markii ay
malin kasta israaci jireen ayuu Axmed ku yiri Muuse “haddii uu qof
lumo isagoo yar sidee buu ku heli karaa reerka uu u dhashahy.”
Muuse ayaa yiri waxa loo bahanyahay in la ogaado halkuu ku lumay.
Axmed wuu iska aamusay. Wakhti ka bacdi ayuu Muuse u sheegay in
uu isaga yahay ninka lumay. Sheekadii Axmed iyo Odehyga dhex
martay ayuu u sheegay.
 

Muuse wuxu ku yiri Axmed “aniga reerkeyga ayaa dega Sugumaha,
duleedka Awaare. Axmed iyo Muuse waxay yimaadeen mgaaalada
Rabaso oo Kililka 5 ah. Dadkii ayeyy wareesteen. Waxa loo sheegay
in sadddex wiil ayey lumeen sannadkii 1974-1975. Mid ka mid ah
wuxu jiray 12 sanadood. Axmed wuxu yiri kaas aniga maha waayo
markii aan jiray 12 sanadood waxan joogay Dhagaxbuur. Labada wiil
ee kale ayaa reerigii ay ka dhasheen ayaa isku qabsaday Axmed.
Reer kasta wuxu yiri anaga ayuu naga lumay. Iyagoo raba in ay
Sugumaha tagaan ayaa wax yimid Rabaso nin ka qaby galay baadi
doonkii Axmed markii uu lumay. Markuu arkay Axmed ayuu yiri,
“ninkan waa ina Ciise Guray.”
 
Axmed wuxuu ku adkaystay in aanu cidna raacayn ila DNA laga
qaado. Ninkii gartay ayaa teelefoon u diray
Ilma Ciise Guray oo degan Hargeysa. Laba wiil iyo gabar Ilma Ciise
ah ayaa u soo socdaaley Rabaso. Markii Rabaso yimaadeen oo
Axmed arkeen, ayaa gabartii intay ku oydey ayey tiri, “kani waa
walaalkay Cabdirisaq.” Axmed markiiba wuxu gartay in magaca
Cabdirisaq la oran jiray markii uu yaraa. Waxa u cadaatay in gabartan
ay walaashii tahay. Hase yeeshee, Axmed muu raacain wuxu ku
adkaystay in DNA la qaado si muranku u dhaamaado.
 
Dadkii oo dhan waxa la isugu yimid magaalada Hargeysa si DNA loo
qaado. Hargeysa waa laga waayey DNA wakhtigaas. Intii Hargeysa la
joogay ayaa gabartii waxay kaxaysay Axmed. Waxay u geeysey
hooyadeed. Hooyadii markii ay aragtey ininkan wey ku oyday iyadoo
sheegtay in ay dhashay. Gacanta itay soo qabatay ayey aqol la
gashay. Waxay weydiisay in uu calaamad bawdada ku leeyahay.
Wuxu yiri haa. Axmed wuxu hooyadii ku yiri hooyo waa in DNA la qado
si muranku u haro.
 
Waxa la isu raacay Addis Ababa. Reerkii kale ee ku murmayey in
iyaga uu ka lumay Axmed way sii raaceen. DNA waxa laga qaadey
Axmed, hooyadii iyo ragii kale ee ku murmayey. DNA waxa loo diray
Burlington, NC USA. Addis Ababa xatta laguma samayn. DNA-gii
wuxu soo caddey in hooyadan ay dhashay Axmed.
 
Axmed wuxu hadda ku noolyahay Hargeysa wuxuuna dhex joogaa
walaaladii iyo hooyadii. Aabihii wuu dhintay(AHN).
 
Waakan sawarkii Axmed. Weli wuxu wataa magacii loo bixiyey
maarkii la helay.