GUURKA SOOMAALIDA
Ragga Soomaliyeed marka ay doonayaan in ay gabadh/gabar guursadaan siyaabo kala duwan ayey gabadha ku helaan. Ninku reerka uu ka dhashay ayuu u sheegaa gabadha uu doonayo. Reerka odayaashiisa ayaa waxay la kulmaan odayaasha la dhashay gabadha ama kuwa ka soo jeeda qbiilka ay gabadhu tahay. Odayaasha ayaa balama. Marka la isu yimaado oo meel lawada fariisto ayaa la sheekeystaa. Sheekadan waxay u badan tahay kaftan. Mar-marka qaar ayaa gabay la isu tiriyaa. Inta badan waxay gabayadu noqdaan kuwo hore oo labada reer dhex maray. Waxa la is-xusuusiyaa sheekoyin hore oo dhexmaray laba reer ama Soomaali guud ahaan meel ay joogtaba. Kaftan, sheeko iyo qosol badan ka bacdi, reerka uu ninku ka dhashay ayaa weydiisanaya in gabadha la siiyo. Odayaasha ninka ka wakiilka ah waxay oranayaan “haddanu nahay beessha mgacaas leh, waxan idin ka odsaneynaa in aad na siisaan gabdha magaceeda la yiraahdo HEBLAAYO oo aanu u dooneyno ninka magaciisa la yirahdo HEBEL.” Wiilka iyo gabadhaba magacyadooda ayaa la sheegaya. Weliba inta badan hadalka waxa la raaciyaa “hadaad na siisaan meherkana noogu dara.” Soomaalidu dhaqan umalaha in gabadh la soo doonay ay isu diido. Odayaashii ka soo jeedey reerka ya gabadhu ka dhalatay ayaa ku jawaabaya, “haddaanu nahay beeshaas gabadhi waan idin siinay, meherkiina waan idiin raacinay.” Markaas waxa istaaga nin…





