Dawladihii Sayidka
1960 ilaa 1969: waa tariikh kooban. Bishii June 26keedi, 1960 waxa xornimo qaatay dalkii la oran jiray British Somaliland Protectorate. Bishii July 1deedi, 1960 waxa xornimo qaatay dalkii la oran jiray Italian Somali Trust Terriroty. Isla maalinta, July 1deedi, waxa dhacay is-raacii labada dal. Dalkan cusub wuxu lahaa baarlamaan ka kooban 123 mudane (90 koonfur iyo 33 wwaqooyi). Dalku wuxu la baxay Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya(Somali Republic). Mudadaas sagaalka sanadood ahaa waxay Soomaliya yeelatay saddex dawladood: 1. Dawladii Caabdirashiid Cali Sharmaarke(AHN). 2. Dawladii Cabdirisaaq Xaaji Xussein(AHN). 3. Dawladii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal(AHN). Waxaa kale oo ay Somaliya dooratay laba Madaxweyne: 1. Aadan Abdule Cisman(Aadan Cadde(AHN). 2. Cabdirashiid Cali Sharmaarke(AHN) Dadku inta badan waxay isku qaldaan Madaxweynaha iyo Dawladnimada. Dawladda waxa madax u ah Raisalwasaaraha. Dalka waxa ka madax ka ah Madaxweynaha. Raisalwasaaruhu wuxu xukumaa dawladda. Madaxweynuhu waa astaanka midnimada dalka. Tusaale, markii uu Mudane Aadan Cabdule madaxweynaha ahaa, laba dawladood baa la dhisay: Dawladii Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo dawladdii Mudane Cabadirisaq Xaaji Xussein. Markii Cabdirashiid loo doortay madaxweyne, waxa la dhisay dawladdii Mudane Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Sidaas darteed madaxweynaha, sida uu qorayey dastuurkii wakhtigaas(iyo kan haddaba), baarlamaanka ayaa soo dooranaya. Kabacdi madaxweynuhu wuxuu soo magacaabayaa raislawasare. Dawladda uu soo…









