Halkee baad joogtay Oktoobar 15 – Oktoober 21, 1969

Maalintu waa ARBACA
Bishu waa Oktoobar 15, 1969
Magaaladu waa LAASCAANOOD

Maalintu bishu ay ahayd 15ka Oktoobar 1969, dadweynaha ree Laascaanood waxay la soo tooseen farxad iyo rayn-rayn. Waxay u diyaar garoobeen in ay soo dhoweyaan Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AHN). Maxadweynu wuxu socdaal ku marayey goboloda dalka.

Madaxweyne Cabdirashiid waxa madaxweyne loo doortay sannadkii 1967. Wuxuu doorashada ka heley Aadan Cabdile Cisman(AHN) oo muddo todoba sannadood dalka madaxweyne ka ahaa. Cabdirashiid wuxu Raisal Wasaare u mgacaabey Moxamed Xaaji Ibrahim Cigal(AHN). Madaxweyne Cabdirashiid wuxu bishii oktoobar 1969 bilaabay in uu socdaal ku soo maro gobolada dalka. Maalintii bishu ahayd 15ka Okboobar 1969 Madaxweynuhu wuxu ku soo socday Magaalada Laascaanood.

Dadweynaha reer Laascaanood waxay maalintaas u diraar groobayeen in ay soo dhoweeyaan Madaxweynaha. Farxad iyo rayn-rayn buu waagu ugu baryey. Waddooyinka magaalada Laascaanood waxa isugu soo baxay yar iyo weyn. Waxa ay ruxayeen calanka buluuga ah ee Soomaaliya. Caroorii waxa la safay wadooyinka hareerahooda. Dadka wejigooda waxa laga garanayey sida ay u rabaan in ay Madaxweynahood soo dhoweeyaan. Dadweynaha reer Laascaanood waxay ku talo galeen in ay baro dheereysiiyaan magaalooyinkii kale ee uu Madaxweynuhu soo maray. Maxaase dhacay!!! Ninkii gabyey wuxu yiri “markaan ku tashado wax taransaba, soowtii Alle meel ma sii taal.

Madaxweyne Cabdirashiid markii uu magaalada Laascaanood soo gaarey waxa loo gelbiyey aqalkii uu ku degi lahaa. Madaxweynuhu markii uu gaariga ka soo degey oo uu u dhaqaaqay jahadii albaabka guriga, ayaa waxa rasaas ku furay askari ka mid ah askartii loogu tala galey ilaalinta ammaanka Madaxweynha. Madaxweyne Cabdirashiid, Ilaahay ha u naxaristee, bartii ayuu ku geeriyooday. Askarigii dilka geysteyna halkii ayaa lagu qabtay. Isla maalintaas gelinkii dambe ayaa maydkii Madaxweynaha loo qaaday casimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadweynihii reer laascaanood ee uu waagu farxad iyo rayn-rayn ugu baryey, waxa
gabalkii ugu dhacay murugu iyo baroor. Jewigii magaalada aya is-bedeley. Qof walba gurigiisii ayuu hoosta ka soo xirtay isagoo ka tiiraanyeesan dilka Madaxweyne Cabdirashiid. Waxay dadweynuhu ku tala galeen iyo sida ay wax isu bedeleen ayaa yaab iyo amakaak noqotay.

Be the first to comment on "Halkee baad joogtay Oktoobar 15 – Oktoober 21, 1969"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*