Cudurka Covid 19
Maxaad ka taqaana cudurka Covid 19 (Koofid 19)? Sida aad la socotaan, dunida waxaa faro kulul ku haya cudurka Covid 19 oo uu keeno Korona fayras. Covid 19 waxuu ku dhacay dad ka badan 6 milyan waxaana u geeriyootay dad gaaraya ilaa iyo 4 boqoloo kun dunida oo dhan. Waxaa muhiim ah innuu qof kasta la socdo maclumaadka dhabta ah ee la xidhiidha cudurka isaga oo kala soconaaya baraha laga helo xogaha cafimaadka ee lagu kalsonaankaro sida kuwa Ururka Cafimaadka Aduunka (WHO), Barta rukta xakameenta cudurada ee Mareykanka (CDC), Waaxda cafimaadka Guud ee Minnesota iyo idaacadaha iyo telefishinada qaranka. NB: Waxaa baraha qaar lagu fidiyaa maclumaad aan sax ahayn oo dadka cabsi ku abuura, sidaas darteed hubso in wararka kusoo gaara ay yihiin kuwo run ah oo ka yimi ilo lagu kalsoonyahay. Covid 19 wuxuu ku dhici karo qofkasta oo ku nool dunida oo da’a kasta leh. Wadamada uu sida daran uu u saameeyey waxaa ka mid dalkan Mareykanka oo uu kuu dhacay dad ka badan 2 milyan waxaan u dhimatay dad ka badan boqo kun . Calaamada lagu garto waxay soo shaacbaxaan 2 ilaa iyo 14 maalmood gudahood ka dib marka uu cudurka haleelo…







