MAXAAD KA TAQAAN NOLOSHA MIYIGA/BADIYAHA

Halkan kuma soo koobi karayno nolosha miyiga(baadiyaha), laakiin in yar baan ka qoreynaa
si ay dhalinyaradu, weliba kuwa qurbaha ku nool, fikrad uga qaataan. Nolosha baadiyaha waa
nolol ad u adag oo weliba kolba meel loo guuro. Xoolaha ayaa lagu dhaqdaa sida geela, lo’da iyo
ariga. Guuritaanka waxa keenaya waxa weeye kolba meesha baad(caws) iyo biyo laga helayo
ayaa loo guuraa.

Reerku inta aanu guurin waxa la diraa SAHAN. Sahan waxa la yiraahdaa marka rag la diro si ay u
soo hubiyaan meesha loo guurayo in ay tahay meel dadka iyo duunyadaba u roon. Marka waa
laga war sugaa. Abwaan Hadraawi waa kii yiri “RUUX AAD SUGAYSOO MAAN WAA LA
SAADSHAA, SAHAN WAA LA DHAWRAA.” Shanku marka uu soo noqdo ayaa la wareystaa. Wixii
ay ku taliyaan ayaa lagu camal falaa, sida ha la guuro ama yaan la guurin. Duunyau(xooluhu)
waaa in ay baad iyo biyo ka heli karaan. Dadkuna waa in uu ku noolaan karo Meesha loo
guurayo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Haddii la isla garto in meeshaas ay fiican tahay, waxa loo diyaaar garoobaya sidii loo guuri laha.
Wax alaale wixii agab ah (alaao) waxa lagu raraa AWRTA. Waxaa kale oo awrta la saaraa dadka
waayeelka ah ee aan socon karin iyo caruurta yar-yar. Fiiri sawirka. Inta badan dumarka ayaa
awrta soo fariisiya. Marka ay fariisiyaan oo ay rarka hore saaraan, hees bay qaadaan. Waxay
yiraahdaan, “DHEGA YARE DHEDAA QUBATEE AAN BAL DHAXANTA KAA DEDO.” Rarka labaad
marka ay saaaaraan, waxay tiriyaan hees duco ah, “ALLAHAOW MAXA DILAY IYO DAB LA
OOGAY KAA HAY.” Marka ay rarka ku dhamayso oo waayeelka iyo caruurta gurada(dusha)
saarto oo ay quruxdiisa la yaabo ayey hees utirineysaa, “HABRO KUGUMA URURAAN OO HAAD
KUGUMA GAYDHAMO.” Labadan ducaba macnahoodu waa ha naga dhiman.

Meesha marka la soo gaaro waxa la bilaaba in guri Soomaali(fiiri sawirka) la dhiso. Waxa kale
oo la yagleelaa(la sameeyaa) xero xooluhu ku hoydaan. Guryaha inta badan waxa dhisa
dumarka. Xeryahayna waxa sameeya ragga.

Guriga Soomaliaga waxa lagu dhisaa: dhigo, udub, yacay, cawsas, kebed, saan iyo alool. Marka
hore dhiga ayaa laga taagaa afarta geesood. Ka bacdi udubada ayaa lagu qabtaa. Qalabka kale
sida kebeda, saanta iyo cawska ayaa la saara. Xeerada xoolaha waxa laga sameeyaa ood.

Xeerada waxay ka celisaa bahalada sida libaaxa. Waxa kale oo ay tahay dugsi, dabeysha iyo
dhaxanta ayey ka celisaa xoolaha.

Nolosha miyiga waxa door weyn ka qaata dumarka. Iyaga ayaa guryaha dhisa isla markaasna
biyaha u soo dhaamiya reerka. Biyaha la soo dhaaminayo waxay qaataan wakhti. Mar-marka
qaar waxay qaadataa malin ama laba. Waa hawl aad u adag. Waxa layiraahdaa reerku wuu
dhaan tegay marka biyaha la doono. Maadaama hawshan ay adagtay, dumarku waxay isku
maaweeliyaan heeso ay geela u tiriyaan. Waxa ka mid ah heesahaas, “ SHALAY BUU TAAGAAN
AHAAYOW, XALAY BUU TIIR KU XIRNAAYOW, MAANTA WA TUB KU JOOGO WUU TAGOOGO
CASOOBAYOW DHULKU TAAKINAYAA.” Isla markaan dumarku awrkii bay amaanayaan oo
waxay oranayaan, “MARKUU DUUBTA RIDAAYO DURBAN NAAGO TUMAAYAAN IYO DARUUR
HOORTAY LA MOOD.” Heessan marka ay tirinayaan dumarku waa dhaanka dheer oo ay isku
ilowsiinayaan oo ay isku maaweelinayaan socodkan dheer awogii.

Be the first to comment on "MAXAAD KA TAQAAN NOLOSHA MIYIGA/BADIYAHA"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*