ISKA TALAAL KOOVID 19
Ma ogtahay in cudurka Furuqa (smallpox) laga ciribtiray dunida taasna ay ku suuragashay ka dib markii dad aad u badan oo dunida dacaladeeda ku nool laga talaalay furuq ? Ma ogtahay in qofkii ugu dambeeyey ee uu Furuq ku dhoco uu ahaa nin Somaali ah oo deggenaa magaalada Marka taariikhda markii ay ahayd Oktobar 26, 1977kii? Qof kasta oo inaga mid ah oo ku sugnaa Somaaliya sanooyinkii 1975 ilaa iyo 1978, waxaa gacantiisa xagga sare (midig ama bidixda) kaga taala calaamad ah boogtii talaalka furuga. Cuduro badan oo dilaa ah (jadeecada) iyo kuwo naafeeya qofka (dabeesha) ayaa dunida ku yaraaday sababta oo ah talaal looga hortago cuduradaas oo la helay awgeed. Sida aad la wada socotaan, waxaa dunida faro kulul ku haya cudurka loo yaqaano KOOVID 19, cudurkaas oo ah mid aad u faafa ahna cudur sababa geeri badan. Waa muddo sanad ah ilaa iyo markii ugu horeysay ee lagu arkay dalkan Mareykanka. Tirada dadka uu ku dhacay waxay mareysaa 25 milyuun, maanlin walbana dad aad u tira badan ayuu soo ritaa. Waxaa u geeriyooday dalkan Mareykanka dad gaaraya ilaa iyo 350.000, tirada dhimashadana kor ayeey u socotaa. Ilaahow naga badbaadi. Waxaa nasiib wanaag ah in la helay talaal looga…