Waa Maxay Cudurka Sokorowgu?
Sokorowgu waa cudur jirka qofka uusan si habboon u isticmaali karin cunooyinka tamarta laga helo. Unugyada jirka ayaa u baahan tamar si ay u noolaadaan una koraan. Marka uu qofka wax cuno, jirka ayaa wuxuu cuntooyinka qaar u dheefshidaa una bedelaa qaab tamar ah oo loo yaqaanno glucose. Glucose waa erey kale oo loo isticmaalo sokorta. Glucose-tu waxay gashaa dhiigga ka dibna sokorta dhiigga qofka ayaa kor u kacda.
Waxaa jira hormoon lagu magacaabo Insulin oo uu samayso xubinta lagu magacaabo GANACA (Pancreas). Insulintu waxay caawisaa in ay hoos usoo dhigto glucose-ta (sokorta) dhiigga ku jirta marka ay kor u dacdo taas oo suuragelineysa in unugyada jirka ay sonkortu u isticmaalaan tamar ahaan.Qofka sokorta qaba waxaan si dheelitiran aan u shaqeyneyn Xubinta Ganaca. Mararka qaar waxaa dhacda in uu ganacu gabo shaqadiisa ama uu ka gaabiyo, waana waxa sababa inuu qofka sokorow ku dhoco.
Waa Maxay Nocyada Sorowga?
Waxaa jira saddex nooc oo waaweyn oo loo qaybiyo sookorow:
- Sonkorowga Nooca 1aad- Waa marka uu GANACA gabo inuu sameeyo insulin. Nocaan waxaa badanaa uu ku dhacaa caruurta iyo dhalinyarada.
- Sonkorowga Nooca 2- Waa marka uu GANACA ka gaabiyo ama uu samayn kari waayo insulinta uu jirka u baahanyahay. Waxaa kaloo dhici karta inuu jirka isticmaalikari waayo insulin-ta uu Ganaca samayo. Nocaan waa kan ku dhaca dadka da’da ah.
- Sonkorowga la socda uurka oo lagu arko hooyada waqtiga ay uurka, leedahay. Marka ay hooyada umusho, sokorteeda caadi ayey noqotaa waxaase dhici karta in ilmaha dhacay uu u baahdo daryeel dheraad ah oo sokortiisa lagu dheelitiro.
Ma Jiraan Dad u Nugul Inuu Sokorowgu Ku Dhoco?
Jawaabtu waa Haa. Waxaa halis ugu jira in ay sonkorow qaadaan:
- Dadka ka soo jeeddo qoys ay kuwa kale sonkorow qabaan
- Dadka Cayilan oo uu miisaankaadu xad dhaafka yahay
- Dadka da’da ah
- Dadka aan jimicsiga sameyn iyo
- Hooyooyinka sokorowga lagu arji jiray waqtiga ay uurka leeyihiin.
Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Sokorowga?
Calaamadaha Sonkorowga lagu garto waa:
- Haraad (oon) badan biyo cabbis badan
- Kaadi badan
- Cunto cunis badan (gaajo ama baahi joogta ah)
- Misaanka qofka oo hoos u dhaca
- Araga oo ciiro ama mugdi noqota
- Kabuubyo cagaha iyo gacmaha
Sidee lagu Ogaan Karaa Inuu Qofku Sokorow Qabo?
Waxaa lagu ogaan karaa iyadoo dhiig lagaa qaado. Waxaa wanaagsan inuu qofku sameysto baritaanka sanadlaha ah kaas oo waxyaabaha layka baaro ay ka mid taha sokorta iyo dhiig karkaba.
Sokorowgu Daawo Ma Leeyahay?
Sokorowgu ma laha daawo inta uu qofku qaato cudurka uu ka tegayo. Wuxuusa leeyahay daawooyinka heerka glucose-ta ka dhigaya mid ku dhow sida caadiga ee suuragalka ah. Daawooyinkaan waa in si joogta ah loo qaato iyada oo la raacayo talooyinka dhakhtarka.
Daryeelka Sokorowga waxaa ka mid ah:
- Qorsheynta cuntooyinka uu qofka cunayo
- Baaridda heerarka glucose-ta dhiigga qofka
- Joogteenda qaadashada dawooyinka: insulin ama kaniin
- Xafidaadda dhammaan ballammada kooxda daryeelka caafimaadkaaga
- Ka qayb qaadashada tababarada sonkorowga oo ay bixiyaan dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka, cunto-yaqaanada iyo aqoon yahanka farmasiiga si aad u baratid sida loo maamulo sonkorowga.