Ragga Soomaliyeed marka ay doonayaan in ay gabadh/gabar guursadaan siyaabo kala duwan ayey gabadha ku helaan. Ninku reerka uu ka dhashay ayuu u sheegaa gabadha uu doonayo. Reerka odayaashiisa ayaa waxay la kulmaan odayaasha la dhashay gabadha ama kuwa ka soo jeeda qbiilka ay gabadhu tahay.
Odayaasha ayaa balama. Marka la isu yimaado oo meel lawada fariisto ayaa la sheekeystaa.
Sheekadan waxay u badan tahay kaftan. Mar-marka qaar ayaa gabay la isu tiriyaa. Inta badan waxay gabayadu noqdaan kuwo hore oo labada reer dhex maray. Waxa la is-xusuusiyaa sheekoyin hore oo dhexmaray laba reer ama Soomaali guud ahaan meel ay joogtaba.
Kaftan, sheeko iyo qosol badan ka bacdi, reerka uu ninku ka dhashay ayaa weydiisanaya in gabadha la siiyo. Odayaasha ninka ka wakiilka ah waxay oranayaan “haddanu nahay beessha mgacaas leh, waxan idin ka odsaneynaa in aad na siisaan gabdha magaceeda la yiraahdo HEBLAAYO oo aanu u dooneyno ninka magaciisa la yirahdo HEBEL.” Wiilka iyo gabadhaba magacyadooda ayaa la sheegaya. Weliba inta badan hadalka waxa la raaciyaa “hadaad na siisaan meherkana noogu dara.” Soomaalidu dhaqan umalaha in gabadh la soo doonay ay isu diido. Odayaashii ka soo jeedey reerka ya gabadhu ka dhalatay ayaa ku jawaabaya, “haddaanu nahay beeshaas gabadhi waan idin siinay, meherkiina waan idiin raacinay.” Markaas waxa istaaga nin ka mid ah odayaashii ninka ka soo jeeday. Wuxuu salaamaa odaygii gabadha siiyey, isla markaasna wuxu u dhiibaa gabaati(lacag) lagu duubay cimaamad, wuxuu oranayaa,”gabadhii waanu guddoonay.” Odayadii gabadha ka soo jeedey ayaa wadaad meesha fadhiya ka codsanayaa in uu gabadha meheriyo. Sidaas baa wiilkii iyo gabadhii la isugu guurinayaa.
Guurka reer miyiga/baadiyaha ee Soomaalida wax badan kama duwana kan magaalooyinka ee aan kor ku soo sheegnay. Waxa keliya oo ay ku kala duwanyihiin waa gabaatiga iyo yaradka ay bixinayaan reerka uu ka soo jeedo ninka gabadha doonaya. Gabaatigu waa lacagta loo dhiibo odayaasha gabadha ka soo jeeda ee goobta fadhiya. Gabadha odayaasha ka soo jeeda, sida caadiga ah, nus bay dib ugu ceshaan ninka odayaashiisa. Inta kalena waxay u qayabiyaan dadka goobta fadhiya rag iyo dumarba. Dumarku meel gooniya ayey faristaan.
Yaradku waa waxa la siiyo gabadha iyo reerkooda. Waxa loogu talo galay in gabadha mariin(dhar) iyo masaariif kale loogu iibiyo. Reerka gabadhana inta ka soo harta ayey qaataan. Reer baadiyuhu waxay ku xisaabtamaan xoolaha nool. Halka reer magaagalku ay ku xisaabtamaan lacag iyo dahab. Inta badan Soomaalida baadiyaha deggan waxay jecelyihiin in gabadha laga bixiyo BOQOL HALAAD, FARAS IYO BUNDUq (gun).
Hawsha gabadh siinta marka ay dhamaato waxa loo diyaar garoobaa sidii aroos loo abaabuli lahaa. Beryahan dambe aroosyada ka dhaca magaalooyinka waxa lagu qabtaa huteelada ama meel kale oo qoob ka ciyaar (dancing) iyo heeso lagau qaaban karo. Dhalinyarada axsaabta la ah ninka iyo gabadha ayaa habeenka arooska wacdaro ka dhiga.
Waxa la soo kireystaa fanaaniin caan ah oo meesha ka heesa. Xagga baadiyaha/miyiga haddii aynu eegno, labadan qof ee is guursadey waxa loo dhisaa guri Soomaali. Habeenka arooska guriga hortiisa aayaa ciyaaro lagu qabtaa, sida dhaantada, batarka iyo hanahaybsan.
Mar marka qaarna gabeyo ayaa laga tiriyaa gabadha iyo wiilka lagu amaanayo.