Maxaad Ka Taqanaa Durayga/Hargabka Hadda Socda RSV?

Waxaa baryahan socda hargab/duray safmar ah oo uu keeno nooc fayras ah oo loo soo gaabiyo RSV.  Qofka uu RSV ku dhoco wuxuu isku arkaa calaamado duray oo kale ah. Waxay RSV lagaga bogsadaan muddo hal ilaa iyo labo todobaad.  RSVwaxaa aad ugu xanuunsada caruurta iyo waayeelka.

 

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Durayga Safmarka Ah-RSV?

 

RSV wuxuu qofka isku arkaa calaamadaha durayga 4 ilaa iyo 6 cisho ka dib marka uu fayraska jirkiisa galo.

 

Calaamadaha uu qofku  lagu arko waxaa ka mid ah:

Duuf badan

Qufac

Hindhiso

Qandho

Cunto qaadashada la’aan

Hiinraaq-neef qabtoon

 

Calaamadaha RSV marba mid ayuu qofku  isku arkaa. Caruurta aad u yar yar marka hore waxaa lagu arkaa oohin badan, ciyaar la’aan iyo neefsashada oo dhibta..

 

Takhaatiirta la xiriir haddii aad adiga ama ilmahaaga neefta idin dhibto, haddii aad wax cabbi weydaan ama haddii calaamadaha durayga kugu xumadaan.

 

Sidee loo Daryeelaa Qofka uu RSV ku Dhoco? 

 

Badanaa durayga RSV waxaa looga bogsadaa muddo hal ilaa iyo labo todobaad ah.

Dawo la siiyo qofka uu RSV haleelo ma jirto. Waxaa socda cilmibaarisyo lagu sameynayo talaal looga hortago RSV-ga iyo dawooyin wax ka tara fayraska .

 

Talaabooyin Wax Ka Tari Kara RSV-ga Waxaa Ka Mid ah:

 

  1. Qaado (sii ilmaha) dawoowinka qandhada jebiya oo xanuunkana bi’ya sida tayanool ( Tylenol)  iyo aybobrufen (Ibuprofen).   Ka fogow isticmaalka asbiriinka ( asprin).
  2. Badi cabitaanka biyaha iyo dhammaan sharaabka nooc walba leh si looga hortago fuuq bax.
  3. La hadal takhtarka ka hor inta aadan siin ilmahaaga dawooyinka aan u baahneyn inuu takhtar qoro ee farmasiiyaha  tooska looga iibsado. Waxaa jira dawooyin aan u fiicneyn caruurta.

 

Ma Ogtahay inuu Durayga RSV  Noqon Karo Halis?

 

RSV wuxuu u kenaa caruurta ka yar sanad jirka cudurro halis ah sida caabuq ku dhaca tuubooyinka neef mareenka (boronkiito: bronchitis) iyo unugyaha neefsashada ee sambabaha (oof wareen: pneumonia).

Waa yartahay in RSV isbitaal loo seexdo lakiin waxaa dhacda in caruurta ka yar 6da bilood iyo wayeelka isbitaal la seexiyo gaar ahaan haddii lagu arko neef qabad/hiinraag ama fuuq bax.

Xaaladaha qaar ee halista ah, waxaa dhacda inuu qofka u baahdo in oksijiin (oxygen) la siiyo ama faleebo (IV fluids) lagu xiro haddii aanay wax cuneyn ama cabbeyn.  Sido kale waxaa dhici karta in tuubo afka laga geliyo qofka oo mashiin lagu xiro si looga caawiyo neefsashada. Dhoor malmood ayaa dadka neef qabtooma isbitaalka la dhigaa.

 

Sidee La Isugu Gudbiyaa RSV?

 

Durayga RSV-ga waxaa la isugu gudbiyaa:

 

  1. Marka uu qof xanuunka qabo qufoco ama hindhiso
  2. Marka dhibcaha qufaca iyo hindhisada  garaan afkaaga, sankaaga ama indhahaaga
  3. Marka uu qofku dhunkado ilmo ama qof RSV qaba
  4. Marka aad taabato meel ay ku dhaceen  dhibcaha qufaca iyo hindhisada qof RSV-ga qaba ka dibna aad wejigaaga taabato adiga oo aan fara xalan.

 

RSV wuu ku dhacaa caruurta oo dhan marka ay noqdaan  2 sano jir hasa yesheen, RSV wuu soo noqnoqdaa wuxuuna badan yahay waqtiyada geedaha ay caleenta daadiyaan iyo marka ay hawada qabowdo

( Fall and winter).

 

Sidee Looga Hortagaa Durayga RSV?

 

Haddii aad isku aragto calaamadaha Durayga:

 

  1. Ku dabool afkaaga iyo sankaaga warqadaha kiliinikista ama xusulkaaga marka aad qufacdo ama hindhisto.
  2. Faraxalashada badi adiga oo isticmaalayo sabuun iyo biyo muddo 20 ilbiriqsi ah.
  3. Hala yeelanin xiriir dhow dadka,  sida dhunkasho, isgacan qaad ama wadaagid koobabka iyo agabka wax lagu cuno
  4. Si joogta ah u nadiifi meelaha ay dhibcaha qufaca iyo kindhisada  garaan sida miisaska, telefoonada iyo gacanta albaabada.

 

Fariin ku Socota Waalidiinta Caruurta Yar Yar leh:

 

  1. Ka ilaahi ilmahaaga inuu xiriir dhow la yeesho dadka bukka ee leh calaamadaha durayga.
  2. Si joogta ah ugu faraxal curuunta  adiga oo isticmaalaya biyo iyo sabuun muddo 20 ilbiriqsi ah
  3. Ha ku taaban gacmahaaga wejiga ilmahaaga adiga oo aan faraxalan.
  4. Yaree waqtiga uu ilmahaagu joog goobaha xanaanada caruurta iyo meelaha ay dhici karto inuu ka soo qaado RSV.

Be the first to comment on "Maxaad Ka Taqanaa Durayga/Hargabka Hadda Socda RSV?"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*