TALAALKA CARUURTA

 

TALAALKA COVID 19 EE CARUURTA

 

 

 

Sida aad la socotaan, bishii Nofember 2, 2021, waaxda hakinta cudurada faafa ee dawladda dhexe ee mareykanta (CDC) ayaa ku dhawaaqday in caruurta ah 5 sano jirka iyo ka weyn la siin karo talaalka Pfizer ee caruurta.

Maxay walidiinta u baahanyihiin inay ka ogaadaan talaalka COVID 19 ee caruurta?

 

Ku dhowaad muddo 2 sano ah ayuu COVID 19 ka horjoogsaday caruurteena  inay sameeyaan waxyaabaha ay jecelyihiin sida inay iskuulaada si caadi ah u dhigtaan. Dariiqa ugu wanaagsan ee aad cafimaadka ilmahaaga ku ilaalin kartid waa inaad siisaa talaalka COVID 19ka ee loogu talagalay caruurta. Caruurta talaalan iskuulada ayey si caadi ah u dhiganayaa, ciyaaraha iskuulka ayey ka qayb gelayaan iyo wixii la xiriira horumarkood oo dhan. Marka ay caruurtu talaalanyihiin guriga karantiin laguma geliyo hadduu uu canugga xiriir la yeesho qof COVID 19 qaba. Sidoo kale, baritaanka COVID 19ka in badan looma sameeyo. Caruurta talaalan waxay ka qaybqataan hakinta COVID 19ka iyo badbaadinta qoyskooda iyo bulshada ay ka midka yihiin.

Talaalka COVID 19ka ee caruurta waxaa la siin kara ilmaha  ah 5 jirka iyo ka weyn. Talaalkaan wuxuu ilmuhu siinayaa manaacad/difaac gaarsiisan boqolkiiba 90.7% isaga oo ka hortegaya in lagu arko canugga calaamadaha COVID 19.

Inkastoo  uusan COVID 19 ugu dhicin  caruurtu sida dadka waaweyn, HAA, COVID 19 wuu ku dhacaa caruurta:

  • Caruurta qaar ayaa aad u xanuunsata marka uu COVID 19 ku dhoco
  • Marka uu COVID 19ku  wuxuu ku rebaa caruurta dhibatooyin cafimaad oo mararka qaar aad u daran
  • Caruurtu waxay u gudbiyaan COVID 19 dadka kale sida waalidkooda, waayeelka reerka , arday ay iskuul la dhigtaan iyo cid walba.

Calaamadaha Lagu Garto COVID 19ka Caruurta

 

Calaamadaha lagu garto marka uu canugga ku dhoco COVID 19 kama duwana calaamadaha qofka weyn lagu arko, kuwaas oo ah daal, madax xanuun, hurdo la’aan, murqaha iyo xubnaha oo xanuuna, canugga oo aan nafsad u haynin waxbarashada iyo qufac.

 

Sida uu u soo shaacbaxay nooca Delta ee COVID 19ka, wuxuu si siyaado ah u soo ritaa caruurta. Bishii Juun ilaa iyo Agoosto, 2021, tirada caruurta uu ku dhacay COVID 19 wa uu 5 laabantantay  markii loo eego bilihii ka horeeyey.

 

 

Ka Qayb Qaado Ilaahinta Cafimaadka Ilmahaaga, Qoyskaaga iyo Bulshadaada

Sii ilmahaaga 5 sano jirka ah iyo kuwa ka waaweynba talaalka COVID 19ka  Caruurta si uu ilmuhu u yeesho difaac uu isaga celin karo inuu COVID 19 ku dhoco.

  • Haddii uu COVID 19 ku dhoco ilmaha talaalan, si sahlan ayuu ugu dhacaa.
  • Haddii caruurta 5 jir ah iyo kuwa ka waaweyn la talaalo, waxaa dhaceysa inuu ilmuhu si joogta ah iskuulaka u dhigto, inuu ka qayb qaato ciyaaraha iskuulka iyo inuu saaxibada ula ciyaaro si amaan ah.

Cilmi baarisyo badan oo la sameeyay ayaa  xaqiijiyey oo lagu ogaaday in talaalka COVID 19ka uu yahay mid amaan ah siinayana ilmaha manaacad/difaac uu kaga hortago COVID 19.

Ka ilaali qoyskaaga COVID 19ka kana qayb qaado sidii loo HAKIN LAHAA COVID 19 inuu ku faafo bulshada aad la nooshahay, ADIGA ISTALAAL CARUURTAADANA TALAAL. OGOW WAXAA IYANA MUHIIM AH IN CARUURTA LA SIIYO TALAALADA KALE EE GAARKA U AH ILMAHA!

 

Be the first to comment on "TALAALKA CARUURTA"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*