MAXAAD KA TAQAAN NOLOSHA MIYIGA/BADIYAHA
Halkan kuma soo koobi karayno nolosha miyiga(baadiyaha), laakiin in yar baan ka qoreynaa si ay dhalinyaradu, weliba kuwa qurbaha ku nool, fikrad uga qaataan. Nolosha baadiyaha waa nolol ad u adag oo weliba kolba meel loo guuro. Xoolaha ayaa lagu dhaqdaa sida geela, lo’da iyo ariga. Guuritaanka waxa keenaya waxa weeye kolba meesha baad(caws) iyo biyo laga helayo ayaa loo guuraa. Reerku inta aanu guurin waxa la diraa SAHAN. Sahan waxa la yiraahdaa marka rag la diro si ay u soo hubiyaan meesha loo guurayo in ay tahay meel dadka iyo duunyadaba u roon. Marka waa laga war sugaa. Abwaan Hadraawi waa kii yiri “RUUX AAD SUGAYSOO MAAN WAA LA SAADSHAA, SAHAN WAA LA DHAWRAA.” Shanku marka uu soo noqdo ayaa la wareystaa. Wixii ay ku taliyaan ayaa lagu camal falaa, sida ha la guuro ama yaan la guurin. Duunyau(xooluhu) waaa in ay baad iyo biyo ka heli karaan. Dadkuna waa in uu ku noolaan karo Meesha loo guurayo. Haddii la isla garto in meeshaas ay fiican tahay, waxa loo diyaaar garoobaya sidii loo guuri laha. Wax alaale wixii agab ah (alaao) waxa lagu raraa AWRTA. Waxaa kale oo awrta la saaraa dadka waayeelka ah ee aan socon karin iyo…