BOQORKII FARTA LA’AA
Waxa jirey nin boqor ah oo aad u kibir badnaa. Dadka iyo duunyadaba wuu ku amar ku taag leeyn jirey. Qof la doodi jirey ama hadal ku celin karey muu jirin. Wax alaale wxii maskax diisa ku soo dhaca ayuu ku dhaqaaqi jirey. Laaakiin wuxuu lahaa nin wasiir ah oo aad u aqli badan. Talooyin wanaagsan ayuu siin jirey. Wixii ceeb ah ee uu leeyahayna wuu dabooli jirey. Wasiirka lagama agwaayi jirin bqorka agtiisa. Gacantiisa midig ayuu ahaa. Safar hadduu u baxayo wuu raaci jirey. Bqorku ninkan wasiirka ah aad buu ugu kalsoonaa. Talooyinkiisa iyo wax kasta oo uu u sheego wuu u dhega nuglaa. Boqrku haddii uu u sheego wasiirka wax dhibaato ah ama dhiilo ah, wasiirku marka uu talada siiyo wuxu odhan jirey oo uu hal hays u lahaa “in ay khayr inoo tahay ayaa dhici karta.” Maalin maalmaha ka mid ah, boqorkii waxa soo gaaray dhaawac. Far baa ka go’day. Wasiirkii markii uu arkay waxa ku dhacay boqrkii ayuu aad u naxay. Boqorkii ayuu warestay sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay fartan u go’day. Boqorkii ayaa u waramay wasiirkii. Borkii siduu talo iyo duco u sugayey ayuu wasiirkii yiri, “waxa dhici karta in ay khayr…