SHEEKO SADDEXAAD

Waxa la yiri saddex abaarood baa jira:

  1. Abaar Rag
  2. Abaar Dumar iyo
  3. Abaar Geel

Abaar Rag:

Abaar rag waxa ugu weyn waa arin la’aan. Raggu hadduu meel wada joogo waxa haboon in ay

arinsadaan oo wax isKu ogaadaan.  Hjaddii nin walba uu kelidii ama koox yari ay go’aan iska

gaaraan iyagoo aan la tashan raggii ay meel wada joogeen,  arin kaasi wuxu keenayaa kala

shaki wuxuuna ku dambeeyaa fashil iyo bur-bur. Weliba waxa dhici karta in dagaal uu ka dhex qarxo ragga arin isku maan dhaafa. Arintan wada tashiga ah waata keentay in dalalku ay yeeshaan gole wasiiru oo wada tashada iyo barlamaan lagaga dodo arimaha dalkaas. Inta badan wadamada ay xukumaan  niman digtaatoor ah way burburaan.  Sidaas darted raggu haddii uu wada tashado

guul buu gaaraa.  Haddii ay wax qaldamaan cid gaar ah laguma eedeeyo.

Abaar Dumar:

Abaar dumar waa ubad la’aan. Dumarku wxay hoygooda hantaan marka ay ogyihiin in ubad ay u

hayaan ninka ay wada joogaan.  Inta badan waxa dhacda in dumarku shaki badan ka qaadaan saygooda

(ninkooda) haddii caruur labadooda isku xirta ay meesha ka maqanyihiin. Mar kasta  waxa ay

Ku fikireysaa goorma ayuu naag kale kula guursandoonaa.  Naagta war-war qabta uma hagar baxayso ninkeeda. Ninkuna waxa dhici karta in uu si xun ula dhaqmo naagtiisa. Taasina waa abaar dumar.

Abaar Geel:

Geelu haddii uu ilka beelo, abaari uma dhina.  Meelkasta oo uu joogo geelu wuxu jecelyahay in uu

cawska calaliyo, qodaxda iyo geedahana burburiyo.  Haddii uu intaas sameyn kari waayo, geela abaari

uma dhina. Sababtaas baa loo yiri abar geel waa ilka la’aan.

Waxa kale oo la yiri, saddex Ilaahay kuma bado:

  1. Waalid Inkaar
  2. Hunguri weyni iyo
  3. Tala Xumo.

Waalid Inkaar:

Waxa la yiri haddii Ilaahay ku bado waalid inkaar,  Ilaahay kama dhigo wiilka reerka u weyn.

Haddii wiilka reerka u weyn uu waalid inkaar noqdo waxa dhici karta in caruurta kale uu

galaafto oo ay isaga ku daydaan. Taasina waxay keeneysaa in reerkaas uu rogmado oo uu meel

xun ku dambeeyo.  Meelo badan oo aduunkan  ka mid ah, caruurtu marka ay gaaraan 18 jir waxa la yiraahdaa suuqiina gala.  Laakiin Somaalidu caruurtoodu way la joogaan ilaa inta ay ka guursanayaan.  Taasina waxay keeneysaa in ilmaha waalid inkaarka ah uu haleeyo caruurta kale. Waa tii la yiri, “awrba awrka ka horeeya ayuu saanqaadkiisa leeyahay.”

Hunguri Weyni:

Waxa la yiri haddii huguri weyni Ilaahay ku bado, Islaanta reerka u weyn Ilaahay kama dhigo.

Sababtu waxay tahay haddii islaantu ay hunguri weyntahay, waxa ay reerka u kariso ama loo

Keeno iyada ayaa  afka iska marineysa.  Waxa dhici karta in caruurta ay gaajo ku disho, ninkana

iskaba daa hadalkiisa.

Tala Xumo:

Waxa la yiri haddii odeyga reerka u weyn uu talo xunyahay, reerkaas lagama yaabo iyo uu guul

gaaro.  Sababtuna  waxay tahay talo kasta oo la soo jeediyo, odeyga ayaa mid lidi ku ah soo

jeedinaya ama wuu diidayaa talaas.   Taasina waxay reerkaas u horseedeysaa in aanu melena gaaarin.

Waxa la yiri saddex waa mugdi

  1. Abaari waa mugdi.
  2. Habeen waa mugdi
  3. Colaadi waa mugdi

Abaari waa mugdi:

Marka ay abaari dalka ku habsatu, waxa dadka la soo gudboonaada gaajo, haraad iyo xoolo la’aan.

Abaarta caws baa u miciina.  Abbar kasta oo dhacda, haddii xooluhu helaan cawas ay daaqaan

inta badan abaartaas waa laga bad-baadaa.  Markaa caws baa u miciina. Hase yeeshee, cawska waxa ka

macaan marka barwaaqo la helo. Barwaaqadu biyo baadba way leedahay. Dad iyo duunyaba way badbaadayaan marka ay barwaaqo  jirto.

Habeen waa mugdi:

Habeenku wuu ka duwanyahay maalintii.  Inta badan habeenkii waxba lama arko. Sababtuna waxay

tahay qoraxda ayaa dhacda oo habeen madow baa soo gala.  Laakiin dayax baa u miciina. Habeenka mugdiga ah iyo habeenka dayaxa ah   way kala duwanyihiin. Habeenka dayaxa ah wax yar baa la arkaa.

Sidaas darteed mugdiga waxa u miciina dayaxa.  Hase yeeshee, dayaxa waxa ka macaan dharaarta.

Maarka waagu baryo, oo ay qoraxdu soo baxdo, dadka oo dhan, qofka indhaha la’ mooyee, qofkasta

si fiican buu wax u arkaa.

Colaadi waa mugdi:

Colaadi waa mugdi baa la yiri.  Sababtu waxay tahay,  marka dagaal uu meel ka dhaco wax kasta,

dad iyo duunyaba wuu saameeyaa. Dadka wuu bara kiciyaa, hantidana wuu burburiyaa. Bal Soomaliya eeg. Dagaalkii ka dhacay dalka waxaa laga soo kaban la’yahay muddo ka badan rubuc qarni.

Berigii hore dagallka waxa ku dhiman jirey dad tiro yar.  Sababtuna waxay ahayd waran iyo  toorey

ayaa lagu dagaalami jirey.  Maanta waxa la keeney hub dad iyo hantiba gumaada.

Dagaalka hesshiis baa u miciina. Heeshiis marka la helo dagaalku wuu qaboobayaa ama wuu joogsanaya.

Heshhiska la gaaro si uu hirgalo, waxa loo bahanyahy in daacad laga noqdo hirgelintiisa.

 

Waxa hubaal ah colaad iyo heshiisba waxa ka macaan nabad.  Marka nabad la helo wax kasta

oo la rabo in la qbto waa hirgelayaan. Nabaddu waa saldhiga dadku uu ku fadhiyo.  Nabad haddii

la waayo barakac, hanti burburta iyo qaxooti ayaa imanaya. Ninkii heesta curiyey wuxu yiri, “GEELUBA

NAQ DOOGLEH IYO NUGAAL WAA KU DARARAA MEEL AY NABADI JOOGTO.”