LABA WALBA WAX BAY KU FIICAN YIHIIN

Jigsaw Pieces Being Joined Shows Teamwork And Togetherness

Laba fadhiga ayey ku fiicanyihiin: Dabka iyo Dumaraka.
Dabka hadii kolba meel loo qaado wuuu bakhtiyaa. Haddii aad dhuxul qaadid dabeysha ayaa
ku dhacaysa oo markiiba way baabaaysaa. Haddii aad qori ololaya qaadid isagana dabeysha
ayaa u dhacaysa oo qorigii ololayey wuu dhamaanayaa.

Dumarku waxay ku fiicanyihiin fadhiga. Dhaqanka Soomaaliyeed waxa caadu u ahaa in
dumarku guryahooda joogaan. Naag ama gabar kolba meel lagu arko oo wareegeysa waxa loo arki jirey caado xun. Waxa laga yaabaa in naagtaas ama gabartaas wax xun aysan ku kicin, laakiin
maadaama kolba meel lagu arkay iyadoo joogta waxa la oran jirey “way cag fududahay.”

Laba socodka ayey ku fiicanyihiin: waa Dabeeysha iyo Roobka.
Dabeyshu meel ma taagna oo wey socotaa. Socodkaa ay dabeyshu socoto wxay qaboojineysaa
dadka, xoolaha iyo wixii kale ee qabow u baahan. Dabeyshaas wax qaboojineysa waxa loo
yaqaanaa “layr/laydh.” Rookuna wuxuu ku fiicanyahay socodka. Haddii roobku meel keliya
ka da’o, waxa dhacaysa in meelaha kale ay abaar noqodaan. Roobku meel marka uu ka muuqdo
dadka meel kale jooga waxay Ilaahay ka baryaan in uu iyagana u shubo. Waxa la oran jirey
farta ha ku fiiqina wuu inaga leexanayaaye. Daruuraha ayaa roobka keena, daruuruhuna way
socdaan.

Laba hadalka ayey ku fiicanyihiin: waa Duqa reerka iyo Diin fidiyaha.
Duqa reerka marka uu hadlo waa la dhegeystaa. Inta badan wax fiican buu ka hadlaa.
Dadka uu duqa u yahay ayuu waaniyaa, wuuna la taliyaa. Haddi ay wax dhcaan isaga ayaa
loola tagaa oo hadii ay gar thahay ama wax kale isaga ayaa go’aan ka gaara.
Diin fidiyaha wuxu fidiyaa diinta. Dadka wuu wacdiyaa ama Quraanka ayuu u dhiga.
Labada qof ee isguursanayana wuu isu meheriyaa. Qof haddii uu bukoodu wuxu ku
aghriyaa Qraan. Laba siyaabood buu ugu akhriyaa: in uu taxliil u tufo ama uu qofka oo
hortiisa fadhiya ayuu Quraan ku akhriyaa. Waxa kale oo uu qori jirey wax loo yaqaan
“xirsi.” Xirsigu waa warqad Quraan lagu qoray oo lagu duubay harag ama maro qoorta
qofka loogu xiray.

Laba aamusska ayay ku fiicanyihiin: Damiin iyo Didiye.
Qofku haddii uu damiin yahay Soomaalidu waxay tiraahdaa waxa haboon in uu iska
aamuso marka arin laga hadlayo. Sababtuna waxay tahay, waxa laga yaabaa in arinkii
laga hadlayey uu uga sii daro. Taasina waxay inta badan ceeb ku noqoneysaa dadkii uu
ka dhashay oo waxa la oranyaa maxay meesha u keeneen. Waxa kale oouu keeni karaa in
meesha uu dagaal ka dhaco haddii uu hadal cay ah ku dhawaaqo.
Didiyuhu waa qofka kas iyo maag ugu kaca wax dadka kala fogeynaya. Waa qofka jecel
in aysan dadku heshiinin. Haddii uu arko laba qof oo heshiis ah wuxu jecel yahay in uu dhexdooda
dhibaato ka abuuro. Marka meel la isugu yimaado ee arin laga hadlayo, wuxu ku hadlaa hadalo
dadka kala fogeynaya. Waa qof dhibaato u joog ah.

Laba deg-gega ayey ku fiican yihiin: waa Faraska iyo Ninkii ku duulayey.
Faraska laba goor ayaa la rabaa in uu deg-dego oo orodka badiyo. Waa marka
la tartamayo iyo marka dagaal lagu jiro. Farasba faraska uu ka orod badanyahay ayuu
ka fiican yahay. Wakhtigan la joogo fardaha adduunka waa la tartansiiya. Faraska
ugu dheereeya waxa la siiya koob, qofka iska leh faraskaas wuxu qaataa lacag badan.
Ninka faraska ku duulaya waxa laga rabaa in uu laba arimood noqodo. Kow, in uu yaqaano
Sida fardaha loo fuulo iyo laba, in uu yahay in degdeg faraska ugu boodi kara. Soomaalidii
hore fardaha way ku dagaal geli jireen. Ninba ninka uu ka farada fuul fiican yahay ayaa
laga jeclaa.

Laba waxay ku fiican yihinn degenaanta: waa Gabar iyo Ninka la haasaawaya.
Gabartu marka ay degentahay waxay u hubsaneysaa hadalka ay ku oraneyso ninkan la haasaawaya. Waxa kale oo ay aad uga fiirsaneysaa su’aalaha uu weydiinayo. Haddii ay
dhaco in ay is-guursadaan raggu waxay jecelyihiin marwada deggan marka gees kasta laga
eego.
Ninkana waxa laga rabaa in uu yahay nin deggan. Ragga fudeydka waa looga fiican yahay.
Ninku marka uu gabar la haasaawayo wax yaalaha ka reeban waxa ka mid ah in uusan
taabanin gabarta oogadeeda. Intaas ay wada hadlayaan waa in uu xushmad iyo taxadar muujiyaa.
Riwaayad beri hore la dhigay ayaa ninkii wuxu taabtay gareyska gabadha. Waxay ku tiri mar dambe ha taaban maradeyda. Hees buu ugu jawaabay. Wuxu yiri: “hadaad gabar yahay wax garad tahay,ninkii ku geyee gu’ wada dhalateen, gareys kaaga sooma goyn karo.” Gareys kaaga sooma goyn karo, wuxu ula jeedaa,”gareys kaaga sooma iibin karo.” Waxay ugu jawaabtay, “garowsani kii i guursanaya in uu gaari karo gosha iyo laabta ee gareyskeyga gacanta haw celinin.” Heestaasi waxay ku tuseysa in ninka fudud uu qalad geli karo. Sidaas darted loo baaahan yahay in raggu muujiyaan degenaansho. Weliba waxad xusuusataa marka diinta Islaamka la eego, dalqada waxa loo dhiibay ragga. Taasoo macnaheedu yahay in xatta haddii naagtu tiraahdu i fur, in uu aad uga fiirsado oo aanu deg-degin.