SOOMALIDU BEEN WEY SHEEGTAA, LAAKIIN BEEN MA MAAH-MAAHDO
Cadyohow ku cunay ama ku ciideeyey. Hawraar murti leh iyo hilib midindi leh midna laguma mergado. Meel hal lagau qaday, ma hilib la’a, mana hugun la’a, mana hadal la’a. Nin aan kuu furidoonin yaanu rarin. Gari Ilaahay bay taqaan. Far keliya fool ma dhaqdo. Hal xaraan ah nirig xalaala ma dhasho. Nin weyn waa yaqaan wadkii dilaya. Runtu rag kama nixiso. Wax nin la toosan nin la tuurle. Nin waliba ceesantgii ceel keen. Biyo kaa badan iyo dad kaa badanba way ku hafiyaan. Nin kuu digay kuma dilin. Geel rag iyo Rabi ayaa dhaqa. Shir looma wada uunsiyo. Ragow barasho geelow rarasho Cimri tegey ceeb laguma sagootiyo. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa Haddii lagu sheego waa la is-sheelaa, haddii lagu sheelana waa la is-sheegaa. Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay. Nin habaarani ma har galo. Nin qoyani biyo is-kama dhawro. Af jooga looma adeego. Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa. Ninkan waran kaagu gelin weedhaadu ma gasho. Libax nin ganayna og, nin galadayna og. Nin daad qaaday xumbo cuskay. Sir naagood lagama sal gaaro. Reer waa dumar. Tol xeer lihi cayr ma aha. Dad iyo duurba wax aanad fileyn baa kaaga soo baxa. Run iyo roob midna lagama raysto. War la…









