SHEEKO SADDEXAAD
Waxa la yiri saddex abaarood baa jira: Abaar Rag Abaar Dumar iyo Abaar Geel Abaar Rag: Abaar rag waxa ugu weyn waa arin la’aan. Raggu hadduu meel wada joogo waxa haboon in ay arinsadaan oo wax isKu ogaadaan. Hjaddii nin walba uu kelidii ama koox yari ay go’aan iska gaaraan iyagoo aan la tashan raggii ay meel wada joogeen, arin kaasi wuxu keenayaa kala shaki wuxuuna ku dambeeyaa fashil iyo bur-bur. Weliba waxa dhici karta in dagaal uu ka dhex qarxo ragga arin isku maan dhaafa. Arintan wada tashiga ah waata keentay in dalalku ay yeeshaan gole wasiiru oo wada tashada iyo barlamaan lagaga dodo arimaha dalkaas. Inta badan wadamada ay xukumaan niman digtaatoor ah way burburaan. Sidaas darted raggu haddii uu wada tashado guul buu gaaraa. Haddii ay wax qaldamaan cid gaar ah laguma eedeeyo. Abaar Dumar: Abaar dumar waa ubad la’aan. Dumarku wxay hoygooda hantaan marka ay ogyihiin in ubad ay u hayaan ninka ay wada joogaan. Inta badan waxa dhacda in dumarku shaki badan ka qaadaan saygooda (ninkooda) haddii caruur labadooda isku xirta ay meesha ka maqanyihiin. Mar kasta waxa ay Ku fikireysaa goorma ayuu naag kale kula guursandoonaa. Naagta war-war qabta uma hagar baxayso ninkeeda. Ninkuna…