SHEEKO SOOMAALI- Dadki Hore

Soomaali-dii hore waxay ragga u bixin jirtey naaneys ay ula jeedaan hadba ninkaasi
Sida uu u egyahay ama wakhtiga uu dhashay. Tusaale:

1. BAYAX U DHALAY: Waa nin nasiib badan. Waa nin u nasiibku siiyey xoolo badan, waa nin
u nasiib badan lacag, waa nin u nasiib badan wax kasta oo iIlaahay dadka uu ku
maneystey. Waa nin xoolihiisa xattaa haddii ay lumaan dhakhso loo helo oo weliba
bahal ma cuno. Waa nin u nasiib badan in uu helo marwo qurux badan, marwo dulqaad leh,
marwo gaariya (nadaaf badan). Waa nin u nassb badan caruur badan oo taaba qaada(weynata
oo wax qabsada).
Waa nin ay bulshadu jeceshahay in ay gurigiisa markasta ku soo shirto. Waa nin deeqsi ah
oo gacantiisu furan tahay. Waa nin dadka oo dhan ay ka mahad ka sheegtaan.

2. NAAS MADOOBE: Waa nin hal adag (hdal adag). Waa nin geesi ah. Waa nin jecel halka uu qabsado in loo gooyo. Waa nin dadka intooda badan aysan is fahmin. Waa nin arin isaga ku
saabsan aan laga hadli Karin ilaa uu yimaado. Waa nin jecel in tiisa loo raaco oo aan hadal badan lagu soo celin. Waa nin dadka kale aan waxba is-kaga tirin. Waa nin han weyn oo jecel
in isagu uu noqdo ka ugu hadal dameeya. Waa nin jecel in aan laga daba hadlin.

3. FOOCAAR: Waa nin qurux badan. Waa nin fur-furan. Waa nin hadal badan. Waa nin
caruur badan leh. Waa nin jecel in uu naago dhawr ah guursado. Waa nin bashaasha
oo sheeko badan. Waa nin jecel in uu dadka ka qosliyo. Waa nin bulsho ah oo daka
intiisa badan la saaxiib ah.

4. GODAN: Waa nin goblan ah (aan caruur lahayn). Ama nin caruur badan oo aan xoolo lahany.
Waa nin calaacal badan. Waa nin markasta wax doonaya. Ninka Gadan dhasha, waxa la yiri
Laba isuma raacdo. Caruur iyo xoolo. Labada midkood ayuu helaa.

5. LISAN: Waa nin xoolihiisu ay badiyaan. Waxa loola jeeda xoolihiisu way ka caano badanyihiin
Xoolaha kale. Waa nin xoolihiisu ay aad u tarmaan. Waa nin hami badan. Waa nin naago guur
Badan. Wuxu jecelyahay tii quruxlehba in uu guursado.

A Somali man stands in front of a group of camels in the town of Adale, Somalia. Burundian soldiers, as part of the African Union Mission in Somalia, yesterday liberated the town of Adale in the Middle Shabelle region of Somalia from the militant group Al Shabab. The town fell with no resistance on October 3. AMISOM Photo

CABDILLAHI Macalin Axmed (DHOODAAN(AHN):

Waxa jirta arin la yaab leh oo ku dhacdey Cabdillahi Dhoodan markii uu yaraa. Cabdillahi
Dhoodaaan (Ilaahay ha u naxariistee) wuxu ku dhashay baadiyaha Wardheer sannadkii 1941.
Wuxu ka dhashay reer badiye ku noolaa. Reerkiisu waxay dhaqan jireen Geel iyo
Ari. Magaca Dhboodaan waxa u bixisey ayeydii markii ay aragtay isagoo haan wax ku
shubaya oo ay ka mid ahayd digada xoolaha.

Dhoodaan isagoo inan yaar ah ayuu reeerkoodii ka lumay. In yar ka bacdi waxa heley nin
geel jira ah.

Ninkii ayaa wuxuu wareestey Dhoodaan. Wuxu u sheegey in uu lunsanyahay.
Dhoodaan waxa kale oo ninkii u sheegay magaca aabihii iyo reerka uu ka soo jeedo.
Ninkii wuu gartey reerka Dhoodan ka soo jeedo. Ninkii baa soo kexeeyey inan kan yar
ee lunsan. Waxay u soo dhaqaaqeen jahadii reerka Dhoodaan ka soo jeedey.

Muddo markii ay soo socdeen ayaa waxa raadkoodi soo raacay libax. Markii ay arkeen libaaxii
ayey cagta wax ka deyeen(ordeen). In yar ka bacdi ayuu soo gaar libaaxii. Ninkii ayaa dhgax
badan ku tuuray libaaxii. Markii uu arkay in uu weli libaaxii aanu jogsaneyn ayuu intuu
Dhoodan kor u qaaday ku tuuray libaaxii. Libaaxii muu eegin inankan yar e wuxu ku booday ninkii. Ninkii ayuu qaatay oo duurka ula kacay. Dhoodaan naxdintii ayuu suuxay.

Reerkii Dhoodaan kasoo jeedey baa maqlay qayladii iyo libaaxa cidiisii. Maarkii ay
meeshii soo gaareen ayey waxay arkeen Dhoodaan oo jiifa. Waxay u maleeyeen in
uu dhintay. Markii ay kor u qaadeen ayuu Dhoodaan (AHN) indhaha kala qaaday.
Dadkii baa aad ugu farxay in inankii lumay la helay isagoo nabad qaba. Markii uu Dhoodaan
soo miyir saday ayuu dadkii u sheegay in ay nin wada socdeen. Markii hareeraha la eegay
ayaa waxa la arkay dhiig iyo raad libaax. Waxa la raacay meeshii uu libaaxu ninka jiiday.
In yar markii la socday ayaa la arkay ragdii ninkii oo libaaxu cunay.

Ilaahay ha u naxariistee Abwan Cabdillahi Dhoodaan oo Soomali la hadlayey wuxu yiri

“QOFBA WAXA LAGU TOOSIYA TAKHASUSKIISIIYE, TURJUBAAN SIDEEN UGU HELAA TACAJAB
WAA KAASE”

Be the first to comment on "SHEEKO SOOMAALI- Dadki Hore"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*