A Funny Somali Story

Guurkii labada Doqon (Sheeko)

Beri baa waxa isguursaday nin iyo naag aan farridnimo u dhalan oo doqonniimo u banbaxday. Maalin maamaha ka mid ah ayaa ay ri qasheen oo hilbaheedii qaar cuneen, qaarna haan ku gurteen oo ay ku keydsadeen. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay israaceen ninkii iyo afadiisii oo ay xaabo u doonteen keynta si ay wax ugu karsadaan.

Iyaga oo keyntii ku sii socda ayaa nin socdaal ahi ka hor yimid oo su’aal weydiiyey oo yiri:

“ Waxa aad ii tilmaantaan cid meelahan deggen haddii aad garanaysaan?”

Way ugu jawaabeen, “tubtaa raac aqalkayagii bay ku geynaysaaye; aqalka ha gelin, haddaad gasahana haanta docda ku xiran ha furin. Haddaad furtana hilibka ku jira ha cunin; haddaad cuntana ha dhamaynin.”

Ninkii socotada ahaa markii uu intaas maqlay ayuu iska tegey, ka dibna waxa uu yimid aqalkii labada doqon oo uu cunay hilibkii haanta ku jirey oo dhan.

Galabtii markii ay soo noqdeen labadii doqon ee isqabay ayey arkeen in laga cunay hilibkii oo dhan, hase ahaatee may garanin cidda ka xadday ee ka cuntay. Ninkii iyo afadiisii aad baa ay uga naxeen arrintaas, maxaa yeelay hilibku waxa uu ahaa cunnada keli ah ee ay haysteen.

Muddo yar ka dib ninkii waxa uu arkay duqsi calool buuran oo fuushan wejiga afadiisa. Dabadeedna inta uu qoslay ayaa uu yiri:

“Haa hadda ayaa aan helay ciddii hilibka inaga cuntay.”

“Waa ayo?” Ayey ku tiri afadiisii.

Ninkeedii isaga oo aan u jawaabin ayuu soo qaaday gudin weyn oo afaysan, kolkaasuu ku dhambalay wejigii afadiisa meeshii duqsigu ka fuushanaa.

Dabadeedna gabartii halkaas ayey ku dhimatey. Duqsigiina waa uu iska duulay markiiba.

“Weligaaba iska qosol naag yahay; duqsiga tuugga ahna mar uun baan qudha ka jari donaa?. Ayuu yiri ninkii doqonka ahaa markii uu arkay afadiisii oo afku kala tegey oo uu moodey in ay qosleyso.

Subaxdii danbe ayaa  reerihii deriska la ahaa soo booqdeen ninkii oo ay waraysteen.

“Waar afadii meeday?. Ayey ku yirahdeen.

“Waxaan doonaayey in aan dilo duqsi tuug ah oo hilibkii naga xaday, ka dibna afadaydii wejigeeda ayaa uu ku dul ciyaaray; iyaduna ilaa shalay aqalka ayey dhex jiiftay oo waa ay iska qoslaysaa.” ayuu ugu jawaabey ninkii doqonka ahaa, dadkii ay deriska ahaayeen ee soo booqday.

Dabadeedna dadkii waxa ay ogaadeen guuldarrada afadii ku dhacday iyo ninka doqoniimadiisii. Dabadeed afadii meydka ahayd halkii baa lagu aasay.

Diyaariye: Maxamed Axmed-beddel X.Maxamuud