Sokorow/Kaadi Macaan
Waa Maxay Cudurka Sokorowgu? Sokorowgu waa cudur jirka qofka uusan si habboon u isticmaali karin cunooyinka tamarta laga helo. Unugyada jirka ayaa u baahan tamar si ay u noolaadaan una koraan. Marka uu qofka wax cuno, jirka ayaa wuxuu cuntooyinka qaar u dheefshidaa una bedelaa qaab tamar ah oo loo yaqaanno glucose. Glucose waa erey kale oo loo isticmaalo sokorta. Glucose-tu waxay gashaa dhiigga ka dibna sokorta dhiigga qofka ayaa kor u kacda. Waxaa jira hormoon lagu magacaabo Insulin oo uu samayso xubinta lagu magacaabo GANACA (Pancreas). Insulintu waxay caawisaa in ay hoos usoo dhigto glucose-ta (sokorta) dhiigga ku jirta marka ay kor u dacdo taas oo suuragelineysa in unugyada jirka ay sonkortu u isticmaalaan tamar ahaan.Qofka sokorta qaba waxaan si dheelitiran aan u shaqeyneyn Xubinta Ganaca. Mararka qaar waxaa dhacda in uu ganacu gabo shaqadiisa ama uu ka gaabiyo, waana waxa sababa inuu qofka sokorow ku dhoco. Waa Maxay Nocyada Sorowga? Waxaa jira saddex nooc oo waaweyn oo loo qaybiyo sookorow: Sonkorowga Nooca 1aad- Waa marka uu GANACA gabo inuu sameeyo insulin. Nocaan waxaa badanaa uu ku dhacaa caruurta iyo dhalinyarada. Sonkorowga Nooca 2- Waa marka uu GANACA ka gaabiyo ama uu samayn kari…