XUJO IYO NIN GUUR DOONA

Laba nin ayaa saaxiib ahaa muddo dheer. Isku meel ayey ku soo koreen. Labadan nin ayaa
ehel/qaraabo ahaa. Labduba waxy da’doodu ahay 30 jir. Labadan nin midkoodna ma guursan.
Midba ka kale ayuu ku oran jiray, “adigu iga hor guurso.” Nin kasta wuxuu rabay in uu ogaado
wanaaga iyo dhibaatada guurku leeyahay. Muddo ayey sidaas ahaayeen. Dadkii ehelkooda/qaraabadooda iyo saaxiibadood ayaa ku dhiirin jirey in ay guursadaan. Berigii hore raggu dhakhso ayey u guursan jireen.
Marka lala kaftamayo waxa lagu dhihi jiray, “fulayaal ayaa tihiin, naagaha ayaad ka baqaneysaan.” Ragga qaar baa ku oran jiray, “malaa meesha waxba kuma haysaan.” Laban nin waxay ka dhasheen reero faqri ah. Beriiigii hore hablaha waxa laga bixin jiray boqol halaad oo geela iyo faras. Mar-mar-na waxa loo raacin jiray bunduq(gun). In kasta oo labadan nin ay tolkood(ehelkood) u ballan qaadeen in ay caawin doonaan haddii ay guursadaan, hadana wey ku dhiiran kari waayeen in ay tallaadaas qaadaan. Hablihii ayaa bilaabay in ay la kaftamaan. Arintan ayaa noqotay wax dadkii tuulada degenaa ay ku sheekeystaan.

Waxa la oran jirey Sugule iyo Salaan. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Sugule geelii keligii raacay. Wuxu la kulmay gabar dhaan wada. Waa la is-wareystey. Waxay u sheegtey in magaceedu yahay Suuban. Isna wuxu yiri maagacygu waa Sugule. Waxay u sheetay in reerkoodu degenyihiin tuulada la yiraahdo Shaydaan La Reeb. Isaguna wuxu u sheegay tuulada ay reerkiisu degenyahay in la yiraahdo Sharmaarke. Wuxu ku yiri, “labadeena tuulo ma kala foga.” Waxay tiri, “waan ogahay.” Gabadha quruxdeeda ayuu la yaabey. Wuxu ku yiri, “biyo isii haraad baa i hayee.” Biyihii ayey haruub ugu soo shubtay. Markay istiri u dhiib ayuu gacanta qabtay. Ushii ay haysatay ayey gacanta kaga dhufatay. Biyiina dhulka ayey u dhigtay. Markii uu biyihii cabay, ayuu ku yiri, “gabadh fiican oo qurux badan ayaa tahay. Aniguna weli maan guursan ee ma balami kareynaa.” Waxay tiri, “wiiga dambe maanta oo kale ayaan dhaanka halkan soo marinayaa.” Wuxu yiri, “waayahay maalin taas ha inoo ahaato.”

Sugule markii uu geela soo xareeyey, ayuu saaxiibkii Salaan u waramay. Salaan baa yaabay. Wuxu ku yiri, “war ma ninkaagii aan ogaa sida uu hablaha uga baxo, ayaa maanta gabar la
haasaaway.” Sugule wuxuu Salaan u sheegey in uu gabadha la balamay wiiga dambe. Wuxuu
ka codsaday in uu maalintaas raaco. Salaan baa ku yiri, “miyaad ka baqaneysaa?” Wuxu ugu
jawaabay, “waxan kala kulmidoono garan maayo ee saaxiib i raac.” Salaan baa aqbalay in uu
raaco, laakin shuruud uga dhigay in uu guursado. Arintii markay falanqeeyeey, waxay isla garteen in ay gababadha la soo tagaan(la rooraan), maadaama Sugule aanu haysanin xoolo
uu gabaati iyo yarad u bixiyo.

Sugule iyo Salaan ayaa halkii lagu ballamaay tegey. Wax yar ka bacdi gabadhii oo dhaankii wada ayaa iyaduna iskeentay. Si fiican baa la isu wareestay. Sugule runta ayuu u sheegay in uu guur
doon yahay. Waxaay ku xirtay in uu reerka u tago oo uu weydiisto. Wuxu u sheegeen in wakhtigan aano haynin xoolo reerka lagula hor fariisto. Waxay ka dhaadhiyeen in ay raaco oo sidii caadada ahayd ay labada reer ay arintan arooska ka bacdi. Wey ka aqbashay. Suuban
dhaaankii ayey reerkii geysey. Sugule iyo Salaan waxay ku sugayeen meel reerka u dhow.
Suuban ayaa halkii ugu timid. Waa la isa soo raacay. Dhawr saacadood markii la socday oo qoraxdii aad kululaatay, ayey geed harkii fariisteen. In yar markii ay fadhiyeen, ayey Suuban
tiri, “aan nasano.” Sugule, oo ah ninkii guursanayey, ayaa ku yiri, “waa fadhinaa oo nasaneynaa.” Salaan baa soo booday oo yiri,”waxay u jeedaa kabaha aan iska saarno.”
Waxyar ka bacdi waa la socday. Dhawr sacadood markii la socday, ay Suuban tiri, “reero
ayaa nagu dhow.” Sugule ayaa yiri, “annagu waxba ma aragno, natus reerka aad sheegeyso.”
Salaan baa markale soo booday oo yiri, “haadkan duulaya ayey ku garatay in uu reer inagu
dhowyahay.” Suuban maarkiiba dareen baa galay in ninkan raba in uu guursado uu nacas
yahay. Markii reerkii la yimid ayaa loo fariistay in Suuban la meheriyo. Sida caadada ah mar
hadii ehelada gabadha aysan joogin, iyada ayaa la wey diiyaa in ay raali tahay iyo wixii lagu
meherinayo. Markii uu wadaadkii u tegey Suuban si dalaaqda uga soo qaado, ayey Suuban u
sheegtay in aysan Sugule rabin. Wadaadkii ayaa raggii ku soo noqday oo qisadii u sheegay.
Dhawr nin ayaa loo diray si loo hubiyo waxa isbedeley. Suuban waxay u sheegtay in Sugule
uu nacas yahay, sidaas darteed ay rabto in Salaan lagu meheriyo. Waxay raggii u sheetay
qisooyinkii nasashada iyo haadka. Si kasta haddii loo sasabay Suuban waa lagu kari waayey
in ay Sugule guursato. Maadaama Suuban lala soo tegay, dhaqanka Soomaaalida reerkoodii
dib looguma celin karo. Sidaas darteed waxa la qanciyey Sugule, gaabadhii-na waxa loo
meheriyey Salaan. Sugulena wuxu ka noqday minxiis. BAL ADBA!!! XUJO MA KU SEEJISAY
GUUR?

Be the first to comment on "XUJO IYO NIN GUUR DOONA"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*