ISKA TALAAL KOOVID 19

Ma ogtahay in cudurka Furuqa (smallpox) laga ciribtiray dunida taasna ay ku suuragashay ka dib markii dad aad u badan oo dunida dacaladeeda ku nool laga talaalay furuq ?
Ma ogtahay in qofkii ugu dambeeyey ee uu Furuq ku dhoco uu ahaa nin Somaali ah oo deggenaa magaalada Marka taariikhda markii ay ahayd Oktobar 26, 1977kii?

Qof kasta oo inaga mid ah oo ku sugnaa Somaaliya sanooyinkii 1975 ilaa iyo 1978, waxaa gacantiisa xagga sare (midig ama bidixda) kaga taala calaamad ah boogtii talaalka furuga.
Cuduro badan oo dilaa ah (jadeecada) iyo kuwo naafeeya qofka (dabeesha) ayaa dunida ku yaraaday sababta oo ah talaal looga hortago cuduradaas oo la helay awgeed.
Sida aad la wada socotaan, waxaa dunida faro kulul ku haya cudurka loo yaqaano KOOVID 19, cudurkaas oo ah mid aad u faafa ahna cudur sababa geeri badan. Waa muddo sanad ah ilaa iyo markii ugu horeysay ee lagu arkay dalkan Mareykanka. Tirada dadka uu ku dhacay waxay mareysaa 25 milyuun, maanlin walbana dad aad u tira badan ayuu soo ritaa. Waxaa u geeriyooday dalkan Mareykanka dad gaaraya ilaa iyo 350.000, tirada dhimashadana kor ayeey u socotaa. Ilaahow naga badbaadi.

Waxaa nasiib wanaag ah in la helay talaal looga hortago KOVID 19, laba ka mid ah talaaladaas waa kuwo lagu sameeyey dalkaan Mareykan. Inta aan la go’aaminin in dadka la talaalo, waxaa talaaladaan lagu tijaabiyey dad gaaraya ilaa iyo 40,000 iyo ka badan si loo ogaado haddii ay jiraan dhibaatooyin ka iman kara talaalka. Waxaana la isku raacay inay talaalada yihiin kuwo fa’iido u ah dadka siinayana difaac aad u sareeya. Talaalada:
• Waa amaan waana kuwo si hufan oo cilmiyeysan loo sameeyey
• Boqokiiba 95% ayeey talaladaan kaa difaacayaan Korona fayras
• Waxaa la qaadanayaa 2 irbadood oo ay u dhexeyso 21 ila iyo 28 cisho
• Waxaa qaadan kara qofka 16 sano jir ah ama ka weyn
• Gabdhaha uurka leh iyo caruuraha 16 sano ka yar lama siin karo
• Dadka qaba xasaasiyadaha daran, hala tashadaan takhtarkooda ka hor inta aaney qaadanin talaalka.
• Ka dib marka talaalka lagu siiyo, waxaa dhici karta:
i. inaad xanuun ka dareento meeshii talaalka lagaa siiyey,
ii. inaad isku aragto xogaa qandho ah,
iii. inaad isku arago jir xanuun iyo
iv. daal kuwaas oo soconaya muddo maalin ama laba.
Tirada talaalada la sameeyey kuma filna dadka oo dhan sidaas darteed waxaa la bilaabay in dadka loo siiyo hadba sida ay u kala baahi badan yihiin. Marka hore waxaa la bilaabay shaqaalaha cafimaadka iyo dadka waayeelka ah ee lagu hayo guryaha gaarka ah.Waxaa haatan la bilaabay in la siiyo dadka da’dooda tahay 65 jir iyo ka weyn, macalimiinta, shaqaalaha goobaha xanaanada caruurta iyo dadka qabta shaqooyinka bulshada aasaaska u ah.
Waxaa reer Minnesota oo dhan loogu baaqayaa inay qataan talaalka marka doorkooda lasoo gaaro.
FIIRO GAAR AH
Inkastoo talaalka uu qofka siinayo difaac lagu kalsoonaan karo, waxaa haddana muhiim ah in la wado dadaalkii ahaa:
1. Xirashada gafuur xirka (mask)
2. Kala fogaanshaha ugu yaraan 2 mitir
3. Faraxalashada joogtada ah iyo
4. Ka fogaanshaha meelaha dadku ku badan yihiin

Be the first to comment on "ISKA TALAAL KOOVID 19"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*