Sanad walba bisha Agoosto 1da ilaa 7da waxay dunida u dabbaal degtaa usbuuca Caalamiga ee Naasnuujinta: Waa asbuuca caalamiga ah ee dhiirigelinta naasnuujinta

Ma ogtahay ilmaha loogu afbilaabo caanaha naaska in uu ka cafimaad badanyahay kuwa la siiyo caanaha la qoosho. Caanaha naaska wa cunnada ugu qiimaha badan ee ilmha lasiin karo, waa nafaqo dheelitiran oo diyaarsan waana lacag la’aan. Caanaha naasaha waxay ilmaha ka helayaa dhamaan nafaqada uu u baahan yahay 6-da bilood ee ugu horeeysa noloshiisa. Caanaha ugu horeeya ee dambarta ah waa caano adag oo hurdi/jaale ah. Dambarku waxa uu qani ku yahay nafaqo iyo unugyada difaaca jirka (antibodies) kuwaas oo ilamaha ka badbaadinaya caabuqa iyo cuduro badan. Caanaha naasku way is beddelaan marka ilmahu sii koro. Ilmuha naaska oo kelyiya la siiyo uma baahna biyo dheeraad. Waa in canugga la nuujiyo markasta ee uu dalbado, nuujinta badan ayaa badisa caanaha naasaha ku soo dhaca.

Faa’idooyinka Naasnuujinta:

Faa’idooyinka naasnuujinta ay u leedahay ilmaha

• Caanaha naasaha waa nafaqada ugu heer sareysa ee uu ilmuhu heli karo
• Ilmaha naasaha la nuujiyo wuxuu iska difaaci karaa caabuqyada kala duwan, waxaana ku yar jirooyinka caruuraha ku dhaca.
• Ilmaha naaska la nuujiyo waxaa ku yar inuu qaado xasaasiyad sida neefta iyo kuwa maqaarka qolfaha u yeela .
• Ilmaha naasaha la nuujiyo wax calool xanuun ah malaha saxaradana kuma dhegto
• Ilmaha naasaha la nuujiyo maskaxdooda ayaa si habsami ah u korta waxayna yeeshaan caqli badan.
• Ilmaha naasaha la nuujiyo waxay yeshaan dareen deggan waxayna xiriir wacan la leeyihiin hooyadood.
• Ilmaha naasaha la nuujiyo waxaa ku yar inay ku dhacaan marka ay weynadaan cudurada kala ah nafaqo daro, cayil tira badan iyo wadno xanuun.
Faa’idooyinka naasnuujinta ay u leedahay hooyada:
• Haddii ilmaha la nuujiyo marka uu dhasho, Jaqista naasaha ayaa qayb ka qaadata isusoo ururka makaanka taas oo yareysa inay hooyada dhiigbaxdo ka dib marka ay umusho.
• Sida loo badan yahay, hooyada naaska nuujisa ma hesho dhiigga caadada taas oo qayb ka qaadan karta kala fogeynta dhalmada/uurka.
• Hooyada ilmaha nuujisa misaan ayaa ka dhaca jirkeedana si dhaqsi ah ayuu ugu noqdaa siduu aha ka hor inta aanay uur kale qaadin.
• Hooyada ilmaha naaska nuujisa waxaa ku yar inay ku dhoco kansarka naasaha.
• Ilmaha naasaha la nuujiyo ma jiro badna sidaas darteed waxaa yaraneysa in canugga marba isbitaal loola cararo.
• Waxaa xogeysta xiriirka ay hooyada la leedahay ilmaheeda iyo jacalka labadooda ka dhexeeya.
Naasnuujinta iyo Diinta Islaamka:
Naasnuujinta waa arrin ku cad diinteena Islaamka. Ayadda 233 ee suuradda al Baqara waxay leedahay:
“Hooyooyinka ha naas nuujiyaan caruurtood muddo 2 sano ah haddii ay doonayaan in ay naas nuujinta dhameystiraan”.
Culimada cafimaadka ayaa iyagan ku taliya in ilmaha naaska la nuujiyo muddo 2 sano ah. Caana naaska oo keli ah waxay ilmahu ku filan yihiin ilaa uu ka gaaro 6 bilood. Wixii 6 bilood ka dambeeya waa in canugga lagu bilaabo siismada cunooyin kala duwan islamarkaasna iyada oo naasnuujintana lagu wado ilaa uu 2 sano jirsado.
Fiiro Gaar ah:

Hooyada naaska nuujisa waa inay cunto cunno dheelitiran hilib/digaaga/kaluunka, ukunta, caano, khudaarta cagaaran iyo furuutiska. Sidoo kale waa inay cabto cabitaan badan gaar ahaan biyo badan. Cabitaanka badan waxay badiyaan caanaha naasaha.

Be the first to comment on "Sanad walba bisha Agoosto 1da ilaa 7da waxay dunida u dabbaal degtaa usbuuca Caalamiga ee Naasnuujinta: Waa asbuuca caalamiga ah ee dhiirigelinta naasnuujinta"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*