True Somail story
NIN LUMAY ISAGOO 4 JIR AH OO LAHWLAY Cabdirisaq Ciise Guray wuxu ku dhashay magaalada Hargeys 1970kii. Isagoo 4 jir ah ayey Aayadii u ka xaysay miyi/baadiye. Waxa la geeyey baadiyaha magaalada Awaare oo ku taala Kilinka Shanaad ee Itoobiya. Dhawr cisho ka bacdi Cabdirisaq isagoo keligii ah ayuu duurka u kacay si uu ugu soo ciyaaro. Dib uguma soo noqon reerkii ee wuu sii socday. Reerkii wuu ka fogaadey. NIn iska socda ayaa arkay raadka ilmahan yar ee keligii ah. Ninkii raadkii ayuu raacay. Wuxu u tagey Cabdirisaq oo geed hoos jiifa. Ninkan waxa la yiraahdaa Maxamed Cali Qaasim. Maxamed wuxuu inankii u kaxeeyey Dhagaxbuur. Odaygan Maxamed inankii wuu korsaday. Wuxu u bixiyey Axmed Maxamed Cali. Axmed markii uu weydnaadey oo uu wax bartay, wuxu tegey Addis Abab. Shaqo ayuu ka helay. Mudo sanado ah ayuu Addis Ababa ka shaqaynayey. Malin maalmaha ka mida ah ayaa waxa soo wacay odey Maxamd. Wuxu u sheegay in uu xanuunsanayo. Wuxu bilaabay in uu waaniyo. Markii waanadii uu dhamaystay ayuu u sheegay in uusan aabihii ahayn. Axmed intuu yaabay ayuu telefoonkii ku dhigay. Axmed muddo saddex cisho ayuu yaabanaa oo aanu odeygii la hadlin. Markii dambe wuxu go’aansaday in…