Vaccine article
MUHIMADA TALAALKA OO DADKA WA WEYNE Dad badan waxay qabaan xaalad caafimaadeedka muddada-dheer (sidoo kale loo yaqaan cudur joogto ah ama cudur daba-dheer) sida sokorowga, neefta, ama cudurka wadnaha. Hasa ahaatee, dad badan ma oga in xaaladahaas caafimaadeed ay u sababi karaan inay aad ugu bukoodaan hargabka. Badanaa dadka isbitaalka loo dhigo hargabka daraadii waxay qabaan xaalad caafimaadeedka muddada-dheer. Qabitaanka xaalad caafimaadeedka muddada-dheer micnaheedu waa nidaamka difaaca jirkaga horey buuba si adag u shaqeynayey. Marka ay noqoto inuu la dagaallamo cudur kale sida hargabka, waxay noqon kartaa wax aad u adag ama uga sii dari karaa xaaladaada caafimaadeed ee kale. Tani waxay dhici kartaa xitaa haddii aad qaadaneyso dhammaan daawooyinka saxda ah iyo haddii xaaladdaada caafimaadeed ee muddada-dheerna gacanta lagu hayo. Qaadashada tallaalka hargabka waa habka ugu wanaagsan ee looga hortago hargabka. Qof walba oo jira 6 bilood iyo wixii ka weyn waxaa lagula taliyaa inuu qaato tallaalka hargabka sannad walba, laakiin wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay dadka qaba xaaladaha caafimaadeed ee muddada-dheer. Tallaalka hargabka wuxuu muujiyay in uu hoos u dhigayo khatarta in hargab loo bukoodo sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa khatarta yeelashada wax ka imaashaha hargabka ee halista ah sida tagista…