A Funny Somali Story
Guurkii labada Doqon (Sheeko) Beri baa waxa isguursaday nin iyo naag aan farridnimo u dhalan oo doqonniimo u banbaxday. Maalin maamaha ka mid ah ayaa ay ri qasheen oo hilbaheedii qaar cuneen, qaarna haan ku gurteen oo ay ku keydsadeen. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay israaceen ninkii iyo afadiisii oo ay xaabo u doonteen keynta si ay wax ugu karsadaan. Iyaga oo keyntii ku sii socda ayaa nin socdaal ahi ka hor yimid oo su’aal weydiiyey oo yiri: “ Waxa aad ii tilmaantaan cid meelahan deggen haddii aad garanaysaan?” Way ugu jawaabeen, “tubtaa raac aqalkayagii bay ku geynaysaaye; aqalka ha gelin, haddaad gasahana haanta docda ku xiran ha furin. Haddaad furtana hilibka ku jira ha cunin; haddaad cuntana ha dhamaynin.” Ninkii socotada ahaa markii uu intaas maqlay ayuu iska tegey, ka dibna waxa uu yimid aqalkii labada doqon oo uu cunay hilibkii haanta ku jirey oo dhan. Galabtii markii ay soo noqdeen labadii doqon ee isqabay ayey arkeen in laga cunay hilibkii oo dhan, hase ahaatee may garanin cidda ka xadday ee ka cuntay. Ninkii iyo afadiisii aad baa ay uga naxeen arrintaas, maxaa yeelay hilibku waxa uu ahaa cunnada keli ah ee ay haysteen. Muddo yar ka…