MAXAAD KA TAQAAN TAARIIKHDII QORIDDDII AFKA- SOMAALIGA
Halkan waxan ku soo qaadan doonaa taarikh kooban oo ku saabsan sidii loo doortay fartii lagu qoray afkka hooyo. Fartii lagu qori lahaa af- Soomaliga muddo badan ayaa niyadda lagu hayey. Afka Soomliga in la qoro dad Soomali iyo Ajaanab ah ayaa muddo badan ka shaqaynayey. Mudadaas iyada ah waxa la isku haystey fartii lagu qori lahaa Afka-Soomaliga.. Waxa jirey dhawr farood oo ay ka mid ahaayeen far Soomali (sida Cusmaaniya, Boorama iyo kadare), Carabi (oo loo yaqaaney Wadaad) iyo Laatiin. Markii la isku af-gaaran waayey, ayaa sannadkii 1964 waxa la horgeeyey baarlamankii Soomaliya. Muddo badan ayaa laga doodayey. Buuq badan ayaa ka dhex abuurmay mudanayaashii baarlamaanka. Waxay ku dhowaatay in la isku farasaaro. Mudanayaashii ayaa ku kala qaybsamay fartii la qaadan lahaa. Doodii ayaa aad u adkaatay. Mudanayaasha qar ka mid ah ayaa ku dooday, “Laatin waa diin la’aan.” Dadweynihii Soomaliyeed sidii baarlamanka oo kale ayey u kala qaybsameen. Dadka qaaar baa ku dooday in far Soomaliga laqaato maadaama ay rag Soomaliyeed soo saareen. Dadka qaarna waxay ku doodeen in farta Carabiga lagu qoro maadaama Quraanku ku qoranyahay. Dad kalena waxay ku doodeen in Laatiin lagu qoro si loola qabsado teknologiyada cusub. Waa la isku mariwaayey. Halkaas baa lagu…