MAXAAD KA TAQAAN TAARIIKHDII QORIDDDII AFKA- SOMAALIGA

Halkan waxan ku soo qaadan doonaa taarikh kooban oo ku saabsan sidii loo doortay fartii lagu qoray afkka hooyo. Fartii lagu qori lahaa af- Soomaliga muddo badan ayaa niyadda lagu hayey. Afka Soomliga in la qoro dad Soomali iyo Ajaanab ah ayaa muddo badan ka shaqaynayey. Mudadaas iyada ah waxa la
isku haystey fartii lagu qori lahaa Afka-Soomaliga.. Waxa jirey dhawr farood oo ay ka mid ahaayeen
far Soomali (sida Cusmaaniya, Boorama iyo kadare), Carabi (oo loo yaqaaney Wadaad) iyo Laatiin. Markii la isku af-gaaran waayey, ayaa sannadkii 1964 waxa la horgeeyey baarlamankii Soomaliya. Muddo badan ayaa laga doodayey. Buuq badan ayaa ka dhex abuurmay mudanayaashii baarlamaanka. Waxay ku dhowaatay in la isku farasaaro. Mudanayaashii ayaa ku kala qaybsamay fartii la qaadan lahaa. Doodii ayaa aad u adkaatay. Mudanayaasha qar ka mid ah ayaa ku dooday, “Laatin waa diin la’aan.” Dadweynihii Soomaliyeed sidii baarlamanka oo kale ayey u kala qaybsameen. Dadka qaaar baa ku dooday in far Soomaliga laqaato maadaama ay rag Soomaliyeed soo saareen. Dadka qaarna waxay ku doodeen in farta Carabiga lagu qoro maadaama Quraanku ku qoranyahay. Dad kalena waxay ku doodeen in Laatiin lagu qoro si loola qabsado teknologiyada cusub. Waa la isku mariwaayey. Halkaas baa lagu joojiyey in laga doodo fartii lagu qori lahaa af- Soomaliga. Sannadkii 1966 ayaa hay’adda la yiraahdo UNESCO ay u saartay guddi aqoon yahanno ah siddi mar kale la isugu deyi lahaa in la doorto farti lagu qori lahaa af- Soomaliga. Guddidaas iyaduna way ku guuldareysatay in ay doorato fartii lagu qori lahaa afka hooyo. Halkaas bay arintii ku joogsatay. Raggii ku hawlanaa faraha kala duwan ayaa hawshoodii sidii isagaa sii wateen.

Sannadkii 1969 bishii Oktoobar 21keedi ayuu inqilab ka dhacay dalka. Waxa xunkunkii la wareegay
Xooga Dalka Soomaliyeed. Arinkii qoridda afka-hooyo ayaa dib u soo cusboonaday. Golihii Sare ee
Kacaanka ayaa isku deyey in ay doortaan fartii lagu qori lahaa Afka -hooyo. Nasiib wanaag iyaagoo
arinkii gacanta ku haya, hase yeeshee aan weli dooran fartii la qaadan lahaa, ayaa waxa dalka Soomaliya socdaal ku yimi Raisal Wsarihii hore ee Shiinaha Mudane Chaou En-Lai. Wuxu la shirey Golihii Sare ee Kacaanka oo uu hogaaminayo Moxamed Siyad Barre. Markii la is-xog wareestay ayaa Golihii Sare waxay u sheegeen Mudane Chau En-Lai in ay ku tala jiraan sidii loo qori lahaa afka Soomaliga. Chou En-lai ayaa Golihii weydiiyey in ay far doorteen. Waxay u sheegeen in ay kala dooranayaan
faraha kala ah “far Soomali, Carabi iyo Laatiin. Mr. Chaou En-Lai wuxu kula taliyey Golihii Sare ee
Kacaanka in ay doortaan farta Laatinka ah. Wuxu u sheegay in farta Shiinaha oo muddo ka badan kun sanaadood soo jirtey ay weli dhibaato ka haysato siidii ay ula qabsan lahaayeen cilmiga iyo farsamada
cusub ee manta adduunku ku talaabsaday. Wuxu u sheegey oo kale haddii ay farta Laatinka ah ku qoraan in aysan wax dhibaato ah kala kulmayn qalabka lagu shaqeeyo sida “tabreetada iyo mashiinada”
xisaabaaha. Taasina ay ka fursaneyso kharashkii ku bixi la qalab cusub oo loo soo sameeyo faraha kale.

Golihii Sare isagoo taladii Chou En-Lai niyadda ku haya, ayey u yeedheen raggii faraha kala duwan
afka Soomaliaga ku qori jirey. Waxa la dhisay Teendo weyn oo qaada dhamaan ragii Golihii Sare iyo
raggii faraha kala duwan afka ku qori jiray oo dhan. Golihii wuxu dood dhex digay raggii. Doodaas oo ahayd in nin kasta uu soo bandhigo sababta ay u fiicantahay in fartiisa lagu qoro afka hooyo. Muddo ayey doodu socotay. Markii doodii dhamaatey ayaa nin kasta waxa la weydiiyay su’aal ah
“haddii fartaada la qaadan waayo, fartee baad ku talin lahayd in afka hooyo lagu qoro?” Dhamandood
waxay isku raaceen “LAATIIN”. Taladii raggan Soomaliyeed iyo tii uu kula talyey Chou En-Lai waxay Golihii Sare ku dhalisay in ay ku dhiiradaan in farta Laatinka tahay ta ugu habboon ee afka Soomaliga lagu qori karo. Cadaadis badan ayaa Golihii Sare kaga imanayey wadamada Carabta oo ku ballan qaaday in ay bixinayaan kharashka ku baxaya haddi farta Carabiga la qaato. Cadaadis kale ayaa kaga imanayey wadaado Soomali ah oo xagga diinta wax ka eegayey. Golihii Sare ee Kacaanku dheg uma ay dhigin caddaadis dusha laga saarayey. Fadhigii Golaha Sare ee Oktoobar 21, 1972 ayaa lagu dhawaaqay in afka hooyo lagu qoro LAATIIN.

Jornalkii ugu horeeyey oo af-Soomali ku qoran(Xiddigta Oktoobar) ayaa soo baxay bishii Janaayo 21,1973. Isla sannddkaas 1973 waxa labilaabay in dugsiyada lagu dhigto Af-Soomali. Shaqalihii dawladda waxa lagu amrey in ay farta ku bartaan muddo saddex bilood ah. Ka bacdi imtixaan baa laqaadey. Qofkii ku dhaca shaqada ayaa laga eryi jirey. Muddo lix bilood ah waxa la qaadey ololihii magaalooyinka. Ololaha horumarinta reer miya-na waxa la qaadey 1974-1975. Waxa ka qayb qaatay ardeydii dugsiyada dhexe fasalada 5-7 iyo ardeydii dugsiyada sare fasalada 1-3. Ardeydii fasalka sideedaad ee dugsiyada dhexe iyo ardeydii fasalka afraad ee dugsiyada sare waa laga joojiyey ololaha maadaama ay u diyaar garoobayeen imtixaamadii kama dambaysta ahaa.

Farta Soomaliga waxay ka kooban tahay 21 Shibane iyo 10 Sahqal oo kala shan gaa-gaaban iyo shan dhaa-dheer. Waa kuwan Shibanayaashii iyo Shaqaladii:

SHIBANAYAAL : B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H Y

SHAQAL GAABAN: A E I O U

SHAQAL DHEER: AA EE II OO UU

Marka laga soo bilaabo 1920 ilaa laga qoray afka Soomaliga raggii ugu cad-caddaa ee ka soo
shaqeeyey waxay kala ahaayeen:
Farta Cismaniya: Cisman Yuusuf Kenadiid
Farta Boorama: Cabdirahman Shekh Nuur
Farta Kdare: Xussen Shekh Axmaed “Kadare”
Farta Laatiin: Muse Galaal, Shire Jaamac Axmed iyo Andrezewski, B.W. (Ingiriis)

Be the first to comment on "MAXAAD KA TAQAAN TAARIIKHDII QORIDDDII AFKA- SOMAALIGA"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*