LABA WALBA WAX BAY KU FIICAN YIHIIN
Laba fadhiga ayey ku fiicanyihiin: Dabka iyo Dumaraka. Dabka hadii kolba meel loo qaado wuuu bakhtiyaa. Haddii aad dhuxul qaadid dabeysha ayaa ku dhacaysa oo markiiba way baabaaysaa. Haddii aad qori ololaya qaadid isagana dabeysha ayaa u dhacaysa oo qorigii ololayey wuu dhamaanayaa. Dumarku waxay ku fiicanyihiin fadhiga. Dhaqanka Soomaaliyeed waxa caadu u ahaa in dumarku guryahooda joogaan. Naag ama gabar kolba meel lagu arko oo wareegeysa waxa loo arki jirey caado xun. Waxa laga yaabaa in naagtaas ama gabartaas wax xun aysan ku kicin, laakiin maadaama kolba meel lagu arkay iyadoo joogta waxa la oran jirey “way cag fududahay.” Laba socodka ayey ku fiicanyihiin: waa Dabeeysha iyo Roobka. Dabeyshu meel ma taagna oo wey socotaa. Socodkaa ay dabeyshu socoto wxay qaboojineysaa dadka, xoolaha iyo wixii kale ee qabow u baahan. Dabeyshaas wax qaboojineysa waxa loo yaqaanaa “layr/laydh.” Rookuna wuxuu ku fiicanyahay socodka. Haddii roobku meel keliya ka da’o, waxa dhacaysa in meelaha kale ay abaar noqodaan. Roobku meel marka uu ka muuqdo dadka meel kale jooga waxay Ilaahay ka baryaan in uu iyagana u shubo. Waxa la oran jirey farta ha ku fiiqina wuu inaga leexanayaaye. Daruuraha ayaa roobka keena, daruuruhuna way socdaan. Laba hadalka ayey ku fiicanyihiin: waa…