Miyaad u safraysaa waddan kale? Ha ilaawin tallaalada!
Jadeecada, waa cudur si dhakhso ah u faafa, wuxuu dilaa boqolaal carruur ah oo adduunka ku nool maalin kasta. Cudurku wuxuu ku dhacaa dadka ku nool Yurub, Aasiya iyo Afrika. Waxaa jira wax aad sameyn kartid si aad adiga iyo qoyskaaga u ilaalisaan – is tallaala. Haddii aad u safreyso waddan kale, hubi in adiga iyo caruurtaadu aad tallaalada ugu dambeeyay ee jadeecada, qaamo-qashiirka iyo jadeeco jarmal (oo loo yaqaan MMR) qaadateen. Carruurta da’doodu ka yar tahay 6 bilood jir waa inay qaataan tallaalka jadeecada, qaamo-qashiirka iyo jadeeco jarmal (MMR). Waxay noqon kartaa mid sahlan in lagu fikiro in jadeecadu aysan saameyn ku yeelan doonin adiga iyo qoyskaaga, laakiin hal hooyo oo deggan Minnesota ayaa ogaatay khatarta ay leedahay markaad safreyso. Kahor inta aysan safrin, dhakhtarku wuxuu ku taliyay in wiilkeedu qaato tallaalka jadeecada, qaamo-qashiirka iyo jadeeco jarmal (MMR) ka hor sidii caadada ahayd sababtoo ah waxay u safrayeen Kenya si ay u soo booqdaan qoysaskooda. Waxay rabtay in wiilkeeda la siiyo tallaalka, laakiin ugu dambeyntii wuu seexday. Waxay go’aansatay inay sugto ilaa ay soo noqdaan. Waxay u socdeen kaliya inay booqdaan qoys taasoo aan u muuqan inay halis weyn tahay. Maalintii ay ku soo laabteen guriga, wiilkeedu wuxuu bilaabay…
Read More