Markaad Takhtar La Balansantahay

Baaritaano badan oo laga sameeyay wadahadalka dhexmara bukaanka iyo takhtarka waxey isku waafaqsan yihiin in bukaanka waqti ku filan aan la siin si uu uga dhaadhiciyo takhtarka sababta uu balanta u sameystay. Wax ka yar nus daqiiqo markuu qofka ka hadlo arinkiisa ama arinkeeda, waxaa dhacda inta badan in takhtarka u hadalka ka soo dhex galo, bukaankana waxii uu sheegi lahaa fursad u helin inuu takhtarka u sheego.

Marka qofka waxaa la gudboon inta uu takhtarka la kulmin inuu diyaarsado waxyaabaha ku kalifay balan inuu sameysto. Hadey suurowdo isku day inaad qorato waxyaabaha aad rabtid inaad ka hadashid. Waqtigu waa qaali, waxaana loo baahan yahay in laga faa’ideysto. Marka lagu weydiiyo maxaan kuu qaban karaa, nuqdooyinka aad rabtay inaad ka hadasho hakuu diyaarsanaadaan.

Suurto galna ma aha in waxyaabo fara badan in lagu xalin karo hal fadhi. Ugu yaraan hal, laba ama saddex waxyaalood oo muhiim kuu ah marka wax lagaala qabto, waxaad dhihi kartaa in kulanka takhtarka uu noqday mid laga faa’ideystay.

Bukaanka marba inuu mowduuc cusub soo tuuro ma aha iyadoo kii hore aan meel la saarin. Hadduu qof yiraahdo: “madaxaa i xanuunaya, deriskeygana daawo xanuun baabi’sa ah baan ka qaatay, oo laxawgii wuu ka sii daray, calooshana waa leyga maroojinayaa, dhabarkana lagama sheekeyn karoo anoo caruur ah geel i haraantiyay, lugtaanna mas waabaayo leh intuu i qaniinay baa suntiisa igu soo kacdaa sidaan u joogaba, dhagahana guux baa ka yeeraya oo habeenkii kama hurdo, waxaan kaloo kuu sheegi lahaa in aan waxba urin intii dhowr sano ah, .oo intaa kow iga dheh, haddana …….., .”

Arinkan waxuu keenayaa in takhtarka iyo bukaanka isku wareeraan. Marka takhtarka ii isku daya inuu xoog saaro hal qodob inuu si fiican u lafa guro, su’aalaha lagu weydiinayo oo qodobkaa la xiriira isku day inaad uga jawaabto takhtarka si ay ugu fududaato inuu wax kuula qabto. Daawo hadaad qaadato isku day inaad barato magaceeda. Ku dhawaaqideeda hadey dhib kugu tahay, soo qor ama sawir ka qaad oo markaa takhtarka tusi. Sidoo kale waa muhiim inaad xasuusato hadii daawo aad xasaasiyad ama allergy aad ka qaaday. Meel ku qoro daawadaa magaceeda si aadan u illaabin weligaa, insha Allah. Takhtarkana khaasatan haduu yahay mid kugu cusub u sheeg daawada ama daawooyinka aad xasaasiyad ka qaaday. Hadii aad qabto cudur ama cuduro isku day inaad barato magacyadooda, waxa lagu daaweeyo, waxa u daran, waxa u wanaagsan, iyo waxii kaloo aad ka baran karto. Isku day inaad kordhiso aqoontaada guud ee caafimaad. Wax ka baro jirkaaga iyo sida uu u shaqeeyo inta suurta gal kuu ah.

Waxaa kaloo iga talo ah, hadii ayan deg deg jirin inaad balanta ku aadiso subaxdii. Hadey suurto gal tahayna inaad noqoto qofka ugu horeeya oo maalintaa lala kulmayo inaad noqoto. Subaxdiia takhtarkiyoo carcartiisa qaba oo soo nastay baad la kulmeysaa inta badan. Mashquulkii maalintaana saa weli uma saameyn oo si dhug leh in laguu dhageysto oo tayada wax qabatkana ay fiicnaato bey u badan tahay.

Ugu dambeyntii, in leysu sabro baa wanaagsan. Bukaanka iyo takhtarkana inta badan waa isku u jeedo oo howsha ayey meel iskula wadaan. In si deggan loo wada hadlana waxey qeyb weyn ka tahay sidii daryeel wanaagsan loo gaari lahaa. Hadii maalintaa aan la soo koobi karin arimaha aad u baahan tahay ( haddii aysan halis galineyn naftaada oo degdeg aheyn ), balamo kale ayaa la qabsadaa oo waatii hore loo yiri adduun hawl kama dhamaatee.

Be the first to comment on "Markaad Takhtar La Balansantahay"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*