Miyaad u safraysaa waddan kale? Ha ilaawin tallaalada!

Jadeecada, waa cudur si dhakhso ah u faafa, wuxuu dilaa boqolaal carruur ah oo adduunka ku nool maalin kasta. Cudurku wuxuu ku dhacaa dadka ku nool Yurub, Aasiya iyo Afrika. Waxaa jira wax aad sameyn kartid si aad adiga iyo qoyskaaga u ilaalisaan – is tallaala.

Haddii aad u safreyso waddan kale, hubi in adiga iyo caruurtaadu aad tallaalada ugu dambeeyay ee jadeecada, qaamo-qashiirka iyo jadeeco jarmal (oo loo yaqaan MMR) qaadateen. Carruurta da’doodu ka yar tahay 6 bilood jir waa inay qaataan tallaalka jadeecada, qaamo-qashiirka iyo jadeeco jarmal (MMR).

Waxay noqon kartaa mid sahlan in lagu fikiro in jadeecadu aysan saameyn ku yeelan doonin adiga iyo qoyskaaga, laakiin hal hooyo oo deggan Minnesota ayaa ogaatay khatarta ay leedahay markaad safreyso. Kahor inta aysan safrin, dhakhtarku wuxuu ku taliyay in wiilkeedu qaato tallaalka jadeecada, qaamo-qashiirka iyo jadeeco jarmal (MMR) ka hor sidii caadada ahayd sababtoo ah waxay u safrayeen Kenya si ay u soo booqdaan qoysaskooda. Waxay rabtay in wiilkeeda la siiyo tallaalka, laakiin ugu dambeyntii wuu seexday. Waxay go’aansatay inay sugto ilaa ay soo noqdaan. Waxay u socdeen kaliya inay booqdaan qoys taasoo aan u muuqan inay halis weyn tahay.

Maalintii ay ku soo laabteen guriga, wiilkeedu wuxuu bilaabay qufac, dililiqa, oo jilicsan, indho casaan. Kadibna waxaa qabatay qandho wuxuuna noqday mid aad u daalan. Waxay u geeysatay dhakhtarka, waxaana lagu sheegay fayras iyo in si dhow loo ogaado. Qufaca wuu ka sii daray oo qandhadu way kacday, markaa waxay u celisay dhakhtarka mar kale. Markan waxay seexiyeen isbitaalka sababtoo ah wuxuu qabay oof-wareen. Dhakhaatiirtu waxay sameeyeen baaritaano dheeraad ah wayna karantiileen – wuxuu qabay jadeeco.

Ilmaheedu waxaa ku adkaa neefsashada markaa waxay ku xiseen qalabka hawada. Waxaa la galiyay tuubbooyin afkiisa, sankiisa iyo cududiisa. Waxay dareemaysay ciirsi. Dhakhaatiirta ayaa ka digay in wiilkeedu dhiman karo. Muddo saddex toddobaad ah waxay daawanaysay qalabka hawada oo ka neefsanayo wiilkeeda.

Wiilki yaraa wuu badbaaday, laakiin hooyadiis waligeed ma ilaawi doonto dhibaatada uu maray. Cudurku wuxuu sidoo kale ku faafay dad kale oo saarnaa diyaaradda iyo xubnaha qoyska ee aan la tallaalin. Waxay ku dhahdaa qof kasta oo safraya dibadda goobaha sida Aasiya, Afrika ama Yurub, “Hubso inaad qaadataan dhammaan tallaalada aad adiga ama qoyskaaga u baahan tihiin.”

Si aad uga dhigto safarkaaga mid caafimaadqab ah, kala hadal rugtaada ama dhakhtarkaaga safarkaaga. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi kara tallaalada adiga iyo qoyskaagaba u baahan tihiin iyo siyaabaha caafimaadqab loo ahaado markaad safrayso. Qabso ballan isla waqtiga aad iibsaneyso tikidka diyaaradeed, waxaad helaysaa waqti kugu filan aad ku qaadato dhammaan tallaalada loo baahan yahay.

Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo www.cdc.gov/travel.

Be the first to comment on "Miyaad u safraysaa waddan kale? Ha ilaawin tallaalada!"

Leave a comment

Your email address will not be published.


*