Cafimaadka Dhimirka
“Maanka/maskaxda caafimaadka qabta” Waa marka uu qofka gaaro heer uu ogyahay waxa karaankiisu yahay, marka uu maareyn karo daruufaha nolosha ee caadiga ah, uuna wax u qaban karo naftiisa iyo bulshada uu la noolyahay. Si qofka uu ugu noolaado nolol tayo leh waxaa muuhiim ah in uu la socdo xaalada caafimaad ee uu maankiisa ku suganyahay iyo inaanbarano sida aan u ilaalin laheyn caafimaadka maankeena. Soomaali haddaan nahay , marka aan ka hadalno caafimaadka maskaxda waxaan ka fekernaa qofka waalan oo keliya. Marka qofku gaaro heerka waallida waa heerka ugu dambeysa uguna xag jirta xanuunada ku dhaca maskaxda. Marka waxaa muhiim ah in aan diiradda saarno sidii aan u maareyn laheyn caafimaad qabka maskaxda Calaamadaha lagu garto marka qofka caadimaadka maskaxdiisu fiican tahay waxaa ka mid ah: Kartida wax barasho Kartida in wax la dareemo, laga hadlo lana maareeyo dareemada kala duwan ee nolosha. Kartida in xiriir wanaagsan lala yeesho dadka kale Kartida in la aqbalo in nolosha sida la rabo aanay mar walba noqoneyn. Waxay xamili karaan baahida nolosha iyo dhibka la soo gudboonaada. Go’aamadoodana iyaga ayaa gaari kara Somaalida waa bulsho isku xiran, istaakuleysa, wada xiriirta isna garab taagan, dhaqamadaasna waa…