Adult Vaccination
Dadka waaweyn oo leh xaaladaha caafimaadka ee muddada dheer waxay u baahanyihiin tallaalo si ay u sugaan caafimaadkooda Sannad kasta,kumanaan qof oo qaangaar ah oo ku nool maraykanka ayaa la kulma cuduro halis ah oo lagaga hortagi karo tallaal. Cuduradani waxay noqon karaan kuwo halis ah oo waxay noqonaysaa intaad tagto cusbilaal ama aad ka maqnaato shaqada waqti dheer. Dad badan oo qaan gaar ah ayaan ogeyn inay si sahlan khatar ugugu jiraan cudurada sida hargabkaka(flu) iyo oofta (pneumococcal), kuwaas oo tallaal lagaga hortagi karo . Xaalado caafimaad ee muddo dheer socota sida sonkorowga ama asmada dadka waaweyn ayaa halis weyn ugu jira dhibaatooyinka haddii ay xanuunsadaan. Cudurada qaarkood waa kuwo aad u badan ama ka khatar badan marka dadka qaangaarka ah ay sii weynaadaan, sida shingles. Dadka waaweyn qaarkood ma heli karaan tallaalo gaar ah sababtoo ah ma aysan heli karin markii ay carruur ahaayeen iyaga oo halis ugu jira cudurka. Waa muhiim inaad kala hadasho dhakhtarkaaga ama farmashiistaha wax ku saabsan tallaalada aad u baahan tahay si aad u caafimaad qabto. Waydii tallaaladan booqashada soo socota: Hargabka: Qof kasta oo da’diisu tahay 6 bilood iyo ka weyn waa in la tallaalaa sannad kasta. Waxaa si gaar ah muhiim…