Markaad Takhtar La Balansantahay
Baaritaano badan oo laga sameeyay wadahadalka dhexmara bukaanka iyo takhtarka waxey isku waafaqsan yihiin in bukaanka waqti ku filan aan la siin si uu uga dhaadhiciyo takhtarka sababta uu balanta u sameystay. Wax ka yar nus daqiiqo markuu qofka ka hadlo arinkiisa ama arinkeeda, waxaa dhacda inta badan in takhtarka u hadalka ka soo dhex galo, bukaankana waxii uu sheegi lahaa fursad u helin inuu takhtarka u sheego. Marka qofka waxaa la gudboon inta uu takhtarka la kulmin inuu diyaarsado waxyaabaha ku kalifay balan inuu sameysto. Hadey suurowdo isku day inaad qorato waxyaabaha aad rabtid inaad ka hadashid. Waqtigu waa qaali, waxaana loo baahan yahay in laga faa’ideysto. Marka lagu weydiiyo maxaan kuu qaban karaa, nuqdooyinka aad rabtay inaad ka hadasho hakuu diyaarsanaadaan. Suurto galna ma aha in waxyaabo fara badan in lagu xalin karo hal fadhi. Ugu yaraan hal, laba ama saddex waxyaalood oo muhiim kuu ah marka wax lagaala qabto, waxaad dhihi kartaa in kulanka takhtarka uu noqday mid laga faa’ideystay. Bukaanka marba inuu mowduuc cusub soo tuuro ma aha iyadoo kii hore aan meel la saarin. Hadduu qof yiraahdo: “madaxaa i xanuunaya, deriskeygana daawo xanuun baabi’sa ah baan ka qaatay, oo laxawgii wuu ka sii daray, calooshana…