The federation of Somalia and Somaliland
TAARIIQ: Mogadisho JANUARY 11, 1948 Maxaa Dhacay!!!! Dagaaalkii labaad ee adduunka markii uu dhamaaday sannakii 1945, waxa laga adkaaday Jarmal, Talyaani iyo Jaban. Wadamadii Afrika ku yaaley ee uu Talyaanigu xukumi jirey waxa la wareegey Ingiriis. Wadamadaas waxa ka mid ahaa Somaliya oo Mogadisho xarun u tahay. Dawladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in iyada loo ogolaado in ay gacanta ku hayso gobolada Soomaaliyeed oo dhan. Kuwaas oo kala ahaa: Somliya, NFD(Kenya ah), Soomaaliland iyo Hawd iyo Reserve Area(Ethiopia ah). Arintaas waxa aad u diiday Ruush, Mareykan iyo Fransiis. Ruushku wuxu diidanaa in Ingiriis isku balaariyo Geeska Afrika. Mareykan wuxu rabay in Talyaani loo dhiibo Somalia si uu u raali geliyo xisbiyadii ka soo horjeeday Shuuciyiintii Talyaania. Fransis wuxu ka soo horjeeday siyaasadii Ingiriiska ee Geeska Afrika. Wuxu ku taliyey in Somalia loo dhiibo Talyaaniga. SYL(Somali Youth League) iyaduna way ka soo horjeesatay in Ingiriis loo dhiibo Somalia. Jamciyadda Quruumaha Midoobay (UN) waxay soo dirtay guddi ka kooban afartii dawladeed ee Dagaalka Labaad ku adkaaday (Mareykan, Fransiis, Ingriiis iyo Midowgii Sofiyeeti). Waxay Xamar soo gaareen January 6, 1948. Waxa Somalia ka jirey dhawr xisbi. Waxa ugu weyneed Somali Youth League (SYL). Guddigan markii uu yimid Xamar, xisbiyadii…