SHEEKO SOOMAALI- Dadki Hore
Soomaali-dii hore waxay ragga u bixin jirtey naaneys ay ula jeedaan hadba ninkaasi Sida uu u egyahay ama wakhtiga uu dhashay. Tusaale: 1. BAYAX U DHALAY: Waa nin nasiib badan. Waa nin u nasiibku siiyey xoolo badan, waa nin u nasiib badan lacag, waa nin u nasiib badan wax kasta oo iIlaahay dadka uu ku maneystey. Waa nin xoolihiisa xattaa haddii ay lumaan dhakhso loo helo oo weliba bahal ma cuno. Waa nin u nasiib badan in uu helo marwo qurux badan, marwo dulqaad leh, marwo gaariya (nadaaf badan). Waa nin u nassb badan caruur badan oo taaba qaada(weynata oo wax qabsada). Waa nin ay bulshadu jeceshahay in ay gurigiisa markasta ku soo shirto. Waa nin deeqsi ah oo gacantiisu furan tahay. Waa nin dadka oo dhan ay ka mahad ka sheegtaan. 2. NAAS MADOOBE: Waa nin hal adag (hdal adag). Waa nin geesi ah. Waa nin jecel halka uu qabsado in loo gooyo. Waa nin dadka intooda badan aysan is fahmin. Waa nin arin isaga ku saabsan aan laga hadli Karin ilaa uu yimaado. Waa nin jecel in tiisa loo raaco oo aan hadal badan lagu soo celin. Waa nin dadka kale aan waxba is-kaga tirin. Waa nin han…