Somali Proverbs
MAAH-MAAHYO WAXA LA YIRI SOOMAALIDU BEEN WEY SHEEGTAA LAAKIIN BEEN MA MAAHMAAHDO: HALKAN HOOSE KA AGKHRISO QAAR KA MID AH MAAHMAAHYADA SOOMAALIDA: Ummad aan dhigaal laahayni, waa dhaayo aan arag lahayn Haddii deg-degsiimo door la bido, kaadsiimana kiish lacag ah ayeey dhashaa Nin weligaaba ma gaadhid. Waa ninka kaa naaag fiican. Hadal waa mergi oo kale Tol waa tolane Rag calooshii la ciyaar iyo cill kama kore ayaw u daran, dumarna cirkeed bogato iyo casar seexato ayaw daran Male rag waa mudacyo afkood Nin yar inta uu geed ka boodo ayuu talona ka boodaa Gaalka dil, gartiisana sii Waano dhalan baa ka adag Barasho horteed ha i nicin Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa Rag waxa u liita ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe Xaqqu feeraha ayuu ka dilaacaa Gafuur cawo ninkiisa ayuu dhibaa War la qabaa xiiso male Geel rag iyo rabbi baa dhaqa Nin qoyani biyo iskama dhawro Ragow barasho, geeloow rarasho Af jooga looma adeego