Adult Vaccination

Dadka waaweyn oo leh xaaladaha caafimaadka ee muddada dheer waxay u baahanyihiin tallaalo si ay u sugaan caafimaadkooda

Sannad kasta,kumanaan qof oo qaangaar ah oo ku nool maraykanka ayaa la kulma cuduro halis ah oo lagaga hortagi karo tallaal. Cuduradani waxay noqon karaan kuwo halis ah oo waxay noqonaysaa intaad tagto cusbilaal ama aad ka maqnaato shaqada waqti dheer.

Dad badan oo qaan gaar ah ayaan ogeyn inay si sahlan khatar ugugu jiraan cudurada sida hargabkaka(flu) iyo oofta (pneumococcal), kuwaas oo tallaal lagaga hortagi karo . Xaalado caafimaad ee muddo dheer socota sida sonkorowga ama asmada dadka waaweyn ayaa halis weyn ugu jira dhibaatooyinka haddii ay xanuunsadaan. Cudurada qaarkood waa kuwo aad u badan ama ka khatar badan marka dadka qaangaarka ah ay sii weynaadaan, sida shingles.

Dadka waaweyn qaarkood ma heli karaan tallaalo gaar ah sababtoo ah ma aysan heli karin markii ay carruur ahaayeen iyaga oo halis ugu jira cudurka. Waa muhiim inaad kala hadasho dhakhtarkaaga ama farmashiistaha wax ku saabsan tallaalada aad u baahan tahay si aad u caafimaad qabto.

Waydii tallaaladan booqashada soo socota:

  • Hargabka: Qof kasta oo da’diisu tahay 6 bilood iyo ka weyn waa in la tallaalaa sannad kasta. Waxaa si gaar ah muhiim ugu tahay carruurta yaryar, haweenka uurka leh, dadka waayeelka ah iyo kuwa leh xaalado caafimaad muddo dheer ah.
  • Tetanus, gawracatada, xiiqdheerta (Td or Tdap): Dhammaan dadka qaangaarka ah waxay ubaahan yihiin tallaalka Tdap hal mar, kadibna tallaalka Td 10kii sanoba mar. Dumarka uurka leh waxay ubaahan yihiin tallaalka Tdap muddada uurka oo dhan si loo ilaaliyo iyaga iyo ilmahooda cusub.
  • Jadeeco, mumps, rubella (MMR): Qof kasta oo qaangaar ah wuxuu u baahan yahay qiyaas labaad ee tallaalkan si buuxda looga ilaaliyo jadeecada. Tallaalkani wuxuu kaloo ka ilaaliyaa cudurka qaamo-qashiirta iyo jadeecada.
  • Varicella, sidoo kale loo yaqaan chickenpox: Waxaad ubaahan kartaa tallaalkan haddii aadan weligaa ku dhicin cudurka busbuska.
  • Human papillomavirus (HPV): Haddii aad tahay 26 jir ama ka yar, hubi in lagaa tallaalay si looga hortago noocyo gaar ah oo kansar ah.
  • Zoster, sidoo kale loo yaqaan shingles: Dadka waaweyn 50 iyo ka weyn waxay u baahan yihiin tallaalkan si uu uga ilaaliyo cudurkan. Cudurka shingles wuxuu keeni karaa firiiric xanuun badan oo qaadan kara dhowr bilood. Haddii aad hore u qaadatay tallaalka shingles, la hadal bixiyahaaga daryeelka caafimaadka sababta oo ah waxaa jira tallaal cusub oo shingles ah oo aad u baahan tahay inaad sidoo kale hesho.

Xitaa haddii aad caadi ahaan dareentid caafimaad, xaaladaha caafimaad ee muddada dheer way ka sii dari karaan marka jirkaaga uu la dagaalamo cudur kale sida hargabka ama oof-wareenka. Haddii aad u aragto dhakhtarkaaga xaalad caafimaad oo dheer, weydii haddii aad u baahan tahay mid ka mid ah tallaaladan soo socda:

  • Pneumococcal: Waxaa jira laba nooc oo tallaalka pneumococcal ah, weydii dhakhtarkaaga haddii aad u baahato labadaba. Tallaalku wuxuu ka caawiyaa ka hortagga infakshanka sanbabada, dhiigga, iyo dheecaanka maskaxda ama sangulada.
  • Meningococcal: Tallaalkani wuxuu ka difaacayaa infekshan naadir ah laakiin halis ah.
  • Cagaarshowga A iyo B: Tallaaladani waxay kaa ilaalinayaan fayraska sababa cudurka beerka.

Haddii aad u safarto meel ka baxsan Mareykanka, waxaad u baahan kartaa tallaalo dheeraad ah. Waxaad sidoo kale ubaahan kartaa qaar ka mid ah tallaalada sababtoo ah shaqadaada, tusaale ahaan haddii aad tahay shaqaale daryeel caafimaad. Bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga ayaa kaa caawin kara go’aaminta tallaalada aad u baahan tahay.

Dhammaanteen waxaan ubaahanahay tallaalo inta lagu jiro nolosheena oo dhan si aan caafimaad u helno. Kala hadal rugtaada caafimaad ama farmashiistaha wixii ku saabsan tallaalada aad u baahan tahay.

Ha oggolaan in kharash lagaaga joojiyo tallaalka. Tallaalada dadka waaweyn waa inay daboolaan caymiska caafimaadku. Wac lambarka ku yaal dhabarka kaadhka caymiska si aad u weydiisid qarashka tallaalka. Dadka qaangaarka ah ee aan caymis lahayn iyo kuwa qaangaarka ah ee caymisku uusan daboolin tallaalkooda waxaa laga yaabaa in ay ku helaan qiime hooseeya rugaha-caafimaad ee ay iskaga diiwaangaligyaan Barnaamijka Talaalka

Dadaka waaweyn Ee aan Caymis lahayn iyo kuwa aan Caymisku daboolin. Tag rugaha tallaalka Adeegyada Dadka aan Caymiska laheyn iyo Kuwa aanu Daboolin:
http://www.health.state.mn.us/uuavsearch.