MAAH-MAAHYO
WAXA LA YIRI SOOMAALIDU BEEN WEY SHEEGTAA LAAKIIN BEEN MA MAAHMAAHDO:
HALKAN HOOSE KA AGKHRISO QAAR KA MID AH MAAHMAAHYADA SOOMAALIDA:
- Ummad aan dhigaal laahayni, waa dhaayo aan arag lahayn
- Haddii deg-degsiimo door la bido, kaadsiimana kiish lacag ah ayeey dhashaa
- Nin weligaaba ma gaadhid. Waa ninka kaa naaag fiican.
- Hadal waa mergi oo kale
- Tol waa tolane
- Rag calooshii la ciyaar iyo cill kama kore ayaw u daran, dumarna cirkeed bogato iyo casar seexato ayaw daran
- Male rag waa mudacyo afkood
- Nin yar inta uu geed ka boodo ayuu talona ka boodaa
- Gaalka dil, gartiisana sii
- Waano dhalan baa ka adag
- Barasho horteed ha i nicin
- Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa
- Rag waxa u liita ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe
- Xaqqu feeraha ayuu ka dilaacaa
- Gafuur cawo ninkiisa ayuu dhibaa
- War la qabaa xiiso male
- Geel rag iyo rabbi baa dhaqa
- Nin qoyani biyo iskama dhawro
- Ragow barasho, geeloow rarasho
- Af jooga looma adeego