TAARIIQ: Mogadisho JANUARY 11, 1948
Maxaa Dhacay!!!!
Dagaaalkii labaad ee adduunka markii uu dhamaaday sannakii 1945, waxa laga adkaaday Jarmal, Talyaani iyo Jaban. Wadamadii Afrika ku yaaley ee uu Talyaanigu xukumi jirey waxa la wareegey Ingiriis. Wadamadaas waxa ka mid ahaa Somaliya oo Mogadisho
xarun u tahay.
Dawladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in iyada loo ogolaado in ay
gacanta ku hayso gobolada Soomaaliyeed oo dhan. Kuwaas oo kala ahaa: Somliya, NFD(Kenya ah), Soomaaliland iyo Hawd iyo Reserve Area(Ethiopia ah). Arintaas waxa aad u diiday Ruush, Mareykan iyo Fransiis. Ruushku wuxu diidanaa in Ingiriis isku balaariyo Geeska Afrika. Mareykan wuxu rabay in Talyaani loo dhiibo Somalia si uu u raali geliyo xisbiyadii ka soo horjeeday Shuuciyiintii Talyaania. Fransis
wuxu ka soo horjeeday siyaasadii Ingiriiska ee Geeska Afrika. Wuxu ku taliyey in Somalia loo dhiibo Talyaaniga. SYL(Somali Youth League) iyaduna way ka soo horjeesatay in Ingiriis loo dhiibo Somalia.
Jamciyadda Quruumaha Midoobay (UN) waxay soo dirtay guddi ka kooban afartii dawladeed ee Dagaalka Labaad ku adkaaday (Mareykan, Fransiis, Ingriiis iyo Midowgii Sofiyeeti). Waxay Xamar soo gaareen January 6, 1948. Waxa Somalia ka jirey dhawr xisbi. Waxa ugu weyneed Somali Youth League (SYL). Guddigan markii uu yimid Xamar, xisbiyadii kale waxay isku bahaysteen La Conferenza oo ka soo horjeedey SYL. Guddigii ka socday Jamciyadda Quruumaha (UN) waxay go’aamisay in xisbi kasta uu maalin soo bannaan baxo. SYL waxa la siiyey bishii January 11, 1948. Xibigii La Conferenza oo doonayey in ay dhibaao dhacdo si SYL aysan cududeeda u muujin, ayaa ku adkeysatay in ay isla maalintaas(January 11,1948) soo bannaan baxayso. SYL waxay u dacwootay Dawladdii Ingiriiska oo markaas maamuleysey Mogadisho. Dawladii Ingiriiska wey diiday in ay joojiso La Conferenza. SYL talao ayaa ku caddaatay. SYL waxay ogaatay in La Conferenza ay dooneyso in la isku dhaco. SYL waxay kula Talisay taageerayaasheeda in aysan la dagaalamin kuwa La Conferenza. Hase yeeshee waxa la diyaariyey dhalin yaro daafacda
taageerayaasha SYL.
Maalintii January 11, 1948 ayey SYL bannan bax sameysey. Waxa ka horyimid oo dagaal culus ku soo qaaday taageerayaashii La Conferenza. Dhalinyadii SYL ayaa la dagaalantay kuwii La Conferenza. Maalintaas waxa dhintay 14 Soomaali ah, waxaan Soomaalida ka dhaawacmay 48. Talyaaniga waxa ka dhintay 51, waxaan ka dhaawacmay 51 kale. Waxa la joojiyey bannaan bixii.
Dawladii Ingiriisku markii ay baartay dhibata dhacday waxay qabatay Suldan Maktal Daahir oo ay ku tuhuntay in uu dilkii dadkii Talyaanina ka dambeeyey. Suldaanka waxa loo qaaday magaalada Hargeysa. Saraakiishii Ingiriiska ee Haragysa joogtay waxay Suldaanka ku wareejiyeen oo gacanta u geliyeen dawladii Xabashida.
Markii banana baxa la joojiyey waxa la go’aamiyey in xisbi kasta uu warqad ku soo qoro wixii uu ku doodayey. SYL waxakay dooday in Soomaaliya loo dhiibo afarta dawladood ee waa weyn. Waxa kale oo SYL ku Talisay in toban sannadood kadib Soomaaliya xornimo la siiyo. La Conferenza waxay ku dooday in Soomaaliya loo dhiibo Talyaaniga. La Conferenza waxay ku Talisay in xornimada dib loo dhigo. Markii la isku af-garan waayey cida Soomaaliya loo dhiibayo aya Jamiciyadda Quruumaha bishii Sebtembar 15keedi, 1949 ay arintii ku wareejisay
Golaha Guud ee Jamciyadda Quruumaha. Bishii Nofembar 231keedi, 1949 ayaa Golihii Guud ee Jamciyadda Quruumu go’aan ku gaarey in Soomaaliya loo dhiibo Talyaani. Waa sidii ay La Conferenza dooneysey. Waxa kale oo la go’aamiyey in Soomaaliya ay xornimadeeda qaadato toban sano ka bacdi oo ku beegneyd 1960. Waa sidii ay SYL ku doodeysey.
Soomaliya waxa xornimadii qaadatay bishii July 1deeedi, 1960. Isla maalintaas waxa midoobay Soomaalia iyo Soomaaliland oo iyaduna xorimadeedi qaadatay bishii Juun 26keedi,1960.
Xusuuso Geeraarkii Cabdilaahi Suldaan Timacade: “CALANKAANU SUGEYNEY, SAHANKIISA AHAYNOW, CIRKA KII U EKAAYEE XIDIGA MID LA SIIYAYOW, SAAXIRKIIRKII KALA GUURNAYE, SAREEYO MA NUSQAAMOOW AAN SIDUU YAHAY EEGE EH KAANA SIIB KANNA SAAR”