Posted By: SA STAFF
- Cadyohow ku cunay ama ku ciideeyey.
- Hawraar murti leh iyo hilib midindi leh midna laguma mergado.
- Meel hal lagau qaday, ma hilib la’a, mana hugun la’a, mana hadal la’a.
- Nin aan kuu furidoonin yaanu rarin.
- Gari Ilaahay bay taqaan.
- Far keliya fool ma dhaqdo.
- Hal xaraan ah nirig xalaala ma dhasho.
- Nin weyn waa yaqaan wadkii dilaya.
- Runtu rag kama nixiso.
- Wax nin la toosan nin la tuurle.
- Nin waliba ceesantgii ceel keen.
- Biyo kaa badan iyo dad kaa badanba way ku hafiyaan.
- Nin kuu digay kuma dilin.
- Geel rag iyo Rabi ayaa dhaqa.
- Shir looma wada uunsiyo.
- Ragow barasho geelow rarasho
- Cimri tegey ceeb laguma sagootiyo.
- Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa
- Haddii lagu sheego waa la is-sheelaa, haddii lagu sheelana waa la is-sheegaa.
- Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay.
- Nin habaarani ma har galo.
- Nin qoyani biyo is-kama dhawro.
- Af jooga looma adeego.
- Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa.
- Ninkan waran kaagu gelin weedhaadu ma gasho.
- Libax nin ganayna og, nin galadayna og.
- Nin daad qaaday xumbo cuskay.
- Sir naagood lagama sal gaaro.
- Reer waa dumar.
- Tol xeer lihi cayr ma aha.
- Dad iyo duurba wax aanad fileyn baa kaaga soo baxa.
- Run iyo roob midna lagama raysto.
- War la qabaa xiiso ma le.
- Milil dushii lama dhayo.
- Libax nin aan aqoon baa lax ka ritta.
- Falaari gil-gilasho kaagama go’do.
- Bakayle intuu bur ku jiro ayuu bur kale deydeydaa.
- Xantaada xiinkeeda ayaa kuu baxa.
- Xalaal iftin baa la qashaa
- Fule xantii ma mooga.