1960 ilaa 1969: waa tariikh kooban.
Bishii June 26keedi, 1960 waxa xornimo qaatay dalkii la oran jiray British Somaliland
Protectorate. Bishii July 1deedi, 1960 waxa xornimo qaatay dalkii la oran jiray Italian Somali
Trust Terriroty. Isla maalinta, July 1deedi, waxa dhacay is-raacii labada dal. Dalkan cusub wuxu
lahaa baarlamaan ka kooban 123 mudane (90 koonfur iyo 33 wwaqooyi). Dalku wuxu la baxay
Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya(Somali Republic).
Mudadaas sagaalka sanadood ahaa waxay Soomaliya yeelatay saddex dawladood:
1. Dawladii Caabdirashiid Cali Sharmaarke(AHN).
2. Dawladii Cabdirisaaq Xaaji Xussein(AHN).
3. Dawladii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal(AHN).
Waxaa kale oo ay Somaliya dooratay laba Madaxweyne:
1. Aadan Abdule Cisman(Aadan Cadde(AHN).
2. Cabdirashiid Cali Sharmaarke(AHN)
Dadku inta badan waxay isku qaldaan Madaxweynaha iyo Dawladnimada. Dawladda waxa
madax u ah Raisalwasaaraha. Dalka waxa ka madax ka ah Madaxweynaha. Raisalwasaaruhu
wuxu xukumaa dawladda. Madaxweynuhu waa astaanka midnimada dalka. Tusaale, markii uu
Mudane Aadan Cabdule madaxweynaha ahaa, laba dawladood baa la dhisay:
Dawladii Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo dawladdii Mudane Cabadirisaq Xaaji
Xussein. Markii Cabdirashiid loo doortay madaxweyne, waxa la dhisay dawladdii Mudane
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Sidaas darteed madaxweynaha,
sida uu qorayey dastuurkii wakhtigaas(iyo kan haddaba), baarlamaanka ayaa soo dooranaya.
Kabacdi madaxweynuhu wuxuu soo magacaabayaa raislawasare. Dawladda uu soo dhiso
raisalwasaaruhu ayaa loogu magac bixinayaa “dawladdi hebel.” Maanta waxaad maqlaysaa
“dawladda Farmaajo.” Waa qalad.
Markii labada dal ay is-raaceen ayaa madaxweyne loo doortay Aadan Cabdule Cisman.
Waxaa kula tartamay Sheikh Cali Jimcaale.
Madaxweyne Aadan wuxu raislawasaare u soo magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Dawladdii Cabirashiid waxay la kulantay saddex arimood: dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee
1964, doorashadii baarlamaanka oo la qabanayey isla sannadkaas(1964) iyo calaaqaadkii oo loo
jaray dawladdii Ingiiriiska arintii NFD awgeed. Ingiriiaka ayaa iska indhatiray rabitaankii dadka
reer NFD ay ku doonayey in ay Soomaaliya ku biiraan. Taas baa keentay in safaaradaha la kala
qaato.
Cabirashiid waxa lagu xusuustaa qudbaddii uu jeediyey sannadkaas oo uu yiri, “gacan waxan ku
difaacaynaa dalka, gacanta kalena waxan ku dooraneynaa baarlamaan.”
Dawladdii Cabdirashiid waxay jirtay 1960 ilaa iyo 1964 bartankiisii.
Baarlamaan cusub ayaa la soo doortay sannadkii 1964. Markii baarlamankii cusbaa la dhaariyey,
ayuu Madaxweyne Aadan raisalwasaare u magacaabay Cadirisaaq Xaaji Xussein. Dawladii u
horeeysey ee uu soo dhisay Cabdirisaaq waxay weydey kalsoonidii baarlamaanka. Madaxweyne
Aadan mar labaad ayuu Cabdirisaaq u soo magacaabay raisalwaare. Markii labaad kalsoonidii
baarlamaanka ayaa la siiyey. Cabdirisaaq waxa lagu xusuustaa markii uu yiri “dawladdeedu
waxay rabtaa karti iyo hufnaan.” Taas oo uu ula jeedey in mus-maasuqa iyo qaraaba kiilka la
tirtiro. Cabdirisaaq wuxu bilaabay in uu dawladda ka cayriyo madax badan oo wasiiro ah,
agaasimayaal guud iyo safiiro oomarkiihore loohaystey in aan la taaban Karin. Waxa caan
noqotay wax la oran jiray, “buusta rooso.” Taasoo macnaheedu ahaa qofka hela
bokhshad(envelope) cuduudan/cas in shaqadii laga cayriyey. Dawladii Cabdirisaaq waxay jirtay
1964 ilaa iyo 1967 bartankiisii.
Isla sannadaas 1967 waxaay mudadii madaxweynenimo ka dhamaatay Aaden Cabdulle. Waxa
baarlamaankii dalka uu madaxweyne u doortay Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Wuxuu la
tartamay Aadan Cabdulle oo ka heley. Aaden Cadde wuxu taariikda ku galay in uu si Sharaf leh
madaxnimadii uga dego. Cabdirashiid wuxuu raisalwaare u soo magacaabaey Maxamed xaaji
Ibrahim Cigaal. Dawladii Cigaal waxaay xooga saartay siyaasaddi arimaha dibedda. Cigaal waxa
lagu xusuustaa wuxu soo ceshey xiriirkii Soomaliya iyo Ingiriiska. Wuxu la heshiiyey dawladihii
jaarka ahaa, sida Itoobiya iyo Kiinya. Wuxu ku dhawaaqay “arimaha culus iyo arimaha
fudud”(major and minor problems). Wuxu ula jeeday in marka hore calaaqaadka dalalka deriska
ah la hagaajiyo inta aan loo gelin arimaha culus, sida dalalka Soomaaliyeed ee ay Kiinya iyo
Itoobiya gumeysanayeen. Wuxuu siyaasaddi dibedda ee Soomaaliya u jeediyey xagga reer
Galbeedka.
Iyadoo arimuhu sidaas yihiin ayaa, nasiib darro, waxa bishii Oktoobar 15keedi 1969 magaalada
Laascaanood lagu dilay Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke(AHN). Maalintii bisha
Oktoobar ahayd 20 ayaa madaxweynaha la aasay. Habeenimadii saacaddu markii ay ahayd
3dii bisha Oktoobar 21, 1969 waxa xukunkii dalka la wareeg Xooga Dalka. Madaxdii dalka oo
dhan baa la xirxiay, baarlamaankii baa la baabiiyey, dastuurkiina waa xooray.
Intaasi waa taariikh kooban oo ku saabsan dawladihii soo xukumay Soomaliya 1960 ilaa iyo
1969 oo aan ugu talo galnay in ay dhalinyaru wax ka ogaadaan dawladihii Rayidka ahaa.