Soomali-du waxay ku maah-maadaa “MAR-MARSIINYO MAARO MA LE”
Qofku hadduu mar kasta wax ku mar-marsoodo looma taag helayo. Hase yeeshe,
mar baa jirta qofku aanu heli Karin meel uu ka baxo ama wax uu ku mar-marsoodo.
Habar Soomliyeed oo beri hore baadiyaha ku nooleeyd ayaa marka gurigeeda loo soo
martiyo waxay oran jirtey,”neef baanu idiin qali lahayn biyo la’aan ayaa na haysta.”
Odeygii qabay ayaa wax badan kala hadlay in ay joojiso mar-marsiiyadan tirada ka badan.
Waxa la waayey hal qof oo u soo hoyday habarta reerkeeda oo ay soortey(marti gelisey).
Odeygii qabay ayaa aad iyo aad ula yaabay. Wax uu ku hadlo ayuu garan waayey. Qof kasta
oo soo martiya iyadaa hadalka kaga horeyneysa odeyga. Markiiba way u dayrineysaa. In badan
odeygu wuu la hadlay. Habrtu way iska-dhega tirtay si kasta oo uu odeygu wax ugu sheego-ba.
Waxa la gaarey heer ay wada hadli waayaan. Odaygu wuxuu arinkan u arkay mid ceeb ku ah
reerkan uu madaxa ka yahay. Mar ayey maskaxdiisa ku soo dhacday in uu iska furo. Hadana
caruurtan bdan ee ay u hayso ayuu is yiri hoyadood ha ka eryin. Caruurta waaa weyn arinkan
habarta wuu u sheegey. Waxay ku yiraahden “abo iska daa hooyo waa qof dabeecad adage.”
Odeygii oo arintii wer-wer badan ku hayso ayaa maaalin wax lama filaan ah dhaceen.
Dad ka yimid xaafaddii habaru degeneyd iyo dad kale oo u sii jeeda xafaddi habarta ayaa jidka
ku kulmay. Markii la isa salaamay, ayaa la is-wareestey. Qolo kasta waxay ka warrantay meeshii
ay ka yimaadeen. Sidii cadadu ahayn waxa la iska wareestey xaaladda guud iyo abaarha markaas jirey.
Wax dhibaato ah lama sheegin aan ka ahayn abaraha jira. Dadkii u socday xaggii habarta ayaa
weyddiiyey dadkii kale bal in ay jiraan reero ay ku sii nasan karaan inta ay sii socdaan. Waxa loo
shhegay in uu jiro reer meel dhow deggen. Nin ka mid ah dadkii ka yimid xaafaddii habarta
ayaa ku yiri,”reerkan waxa joogta habar aan weligeed cid marti gelin. Markasta oo la martiyo
waxay tiraahdaa biyo ma haysano aan wax idiinku kariyo. Meesha ay dadkani ku kulmeedn waa
meel doox ah. Markiiba waxay go’aan ku gaareen in ay dooxa biyo ka qotaan. Dhalin yaradii ayaa
hawshaas loo diray. Dhawr saacadood ka bacdi ayey biyo u soo baxeen. Haamihii ay watteen bey
ka buuxsadeen. Biyii ayey dadkii kale wax ka siiyeen. Halkaas baana la isku maca salaameeyey.
Dadkii socotada ahaa ayaa soo gaarey reerkii ay habartu degeneyd. Waa la si bariidiyey.
Odeygii baa arkay haan ay biyo ka buuxaan. Shibtiisa ayuu galey oo habartii waxba uma sheegin.
Habartii baa sidii caadada u ahayn tiri, “neef baanu idiin qali lahayne, biyo nooma yaalaan.”
Nin baa u jawaabuu ku yiri, “biyo badan ayaanu wadna.” Habrtii intay orod isdeysey ayey odaygii
U yeertey, “Cawaalow, Cawaalow” ayey tiri. Intuu soo orday ayuu yiri, “Cosobey maxaa dhacay.”
Arinkii bay u sheegtey iyadoo madaxa haysata. Wuxu yiri wax badan baad dad Soomaliyeed marti
gelin weydey adiigoo Ilaahay dad iyo duunyaba ku barakeeyey. Maanta wixii ka bilowda hadal dame oo biyo la’aan baan nahay yaanan maqlin. Cosobey mar-marsiinyo maaro male ayey Soomali tiri.”
Neef yar ayuu soo qabtay , habartyii intey kor u qaylisay, si ay martidu u maqal siiso, ay ku tiri, “war kaas weyn martida u qal nef yar marti looma qalo eh”