Nin baa masaajid ka eedaami jirey oo uu mu’addin ka ahaa. Subaxdiina seyladda xoolaha ayuu u dillaal tegi jirey, si uu quutal daruurigiisa uga soo saaro. waxa uu iibiyaa xoogaa xoolo ah oo dillaalka uga soo baxa iskaga bixiyo biilka qoyskiisa. Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa suuqii xooluhu xumaaday oo waxba laga iibsan waayey wadaadkii. Wuu yaabay oo talaa ku cadaatay. Isaga oo gadhkiisii u ekaa sonkorta iyo shaaha madow ee la isku daray rifaya oo bidaar aad mooddo madaar diyaaradi soo degayso kolba salaaxaya, ayuu u tegay dillaal kale si uu bal xaalkiisa isna wax uga ogaado oo hadduu wax dhaamo bal shaxaad iyo qadadiisa ugu yaraan uga helo. Haddaba intaanu u tegin ayuu laba orgi oo loo sii dhiibtey oo laga iibsan waayey meel ku sii xidhay.
Ninkii dillaalka ahaa ayuu cabbaar ag joog joogay, waxaanu ogaaday in aanu ninkan laftiisu waxba dhaamin oo isba maanta qatan yahay. Waxa uu ku laabtay halkii labada orgi ugu xidhnaayeen. Markuu meeshii soo gaadhay ayaa wuxuu arkay labadii orgi ee uu kaga tegey oo aan meeshii kuba xidhnayn. Cabbaar buu baadh-baadhay ilaa markii danbe uu arkay iyadoo ay labadii orgi ay adhi kale dhex galeen. Ninkii adhiga watey buu ku qabsaday oo ku yidhi, “Waar xaggee baad ka keentay labadan orgi”, ninkiina wuxuu farta ugu fiiqay dillaalkii ka iibiyey.
Dillaalkii ayuu kalladhka ku dhagayaa oo ku yidhi”maxaa kuu geeyey labadaydaa orgi”! Halkii baa la isku dilay oo ninkii wadaadka ahaa budh ku dabada u qabtay dillaalkii ilaa uu ugu tuuray oo gaggabiyey. Wadaadkii ayaa waxa uu dabadeed ka daba tegay kii labada orgi laga iibiyey markaasay isaganiina is qabsadeen markuu ku yidhi dee lacag baa la iga siiyey. Markaas buu kiina budh la dhacay oo ugu tuuray. Waxa uu isku deyayaa inuu soo qabto labadii orgi. Mid baa ka cararay oo mu’addinkii kolba dhinac uga booday. Wuu qaban kari waayay, ka dib buu intuu ka dabo cararay geeskaa budkii kaga dhuftay oo isagiina gagabiyay.
Ninkii oo xanaaqsan oo labadaa qawlal ka xunbaynaya oo gawnaxyada cadho la buuraya, ayaa is ogaaday oo ku baraarugay salaaddii oo xilligeedii soo dhowaadey. Xaggii masaajidka uu ka eedaami jirey ayuu is yidhi bal ku carar intaan la gaadhin xilligii eedaanka. Kiiyoo budhkii adhaxda haysta oo sii socda oo isla sheekaysanaya xanaaqna ku dhan yahay, ayaa wuxuu maqlay masaajidkiisii uu ka eedaami jirey oo laga eedaamay. Isagoo muraaradillaacsan ayuu soo gaadhay masaajidkii oo eedaankii la dhammeeyey oo lagu jiro wakhtigii yaraa ee u dhaxaysay marka eedaamku dhaco iyo intaan salaadda la bilaabin oo ay dadka qaar laba ragcadood oo sunna ah iska sii tukanayaan. Intuu hor istaagey meel ku dhow halkii sheekha dadka tujinayaa istaagi jirey ayuu isagoo labada daanba ka xunbaynaya oo budhkiisina dhexda haysta yidhi: “Waar Yaa eedaamay”! Juuqla’!{cidi uma jawabin} Haddana wuu ku celiyay”Waar yaa eedaamay baan idin idhi”! Yaab iyo naxdin ayaa lala aamusay! Inta uu baalla daymood doc kasta indhaha ku eegay, ayuu yidhi: “Iska daaya aqiinka ayaan ku garane, kol hadaad jawaabi weydeen”. Sababtoo ah ninkii eedaamay ayaa yaalaaba aqiinka salaadda ka hor sameeya, halkaasuuna rabey inuu ka daalacdo kii eedaankiisii isku taataabtay, si uu isagana budh ula dhaco.
Hab Adeegsiga Sheekada
Sheekadan dhowr siyaabood ayaa loo adeegsan karaa. Mar waxaad isticmaali kartaa marka waxba laguu sheegi waayo ee aad leedahay kolay anigaa iska garan doonee iska daaya. Waxa kale oo la adeegsan karaa xaaladaha inta badan la isku xanaaqo ee arrinku gurracan yahay. Midda kale waxaad adeegsan kartaa marka arrimahaagii ay cid kale faraha la gasho oo aad odhan kartaa “Waar horta yaa eedaamay” ama “iska daaya aqiinkaan ku garane.