Waxa jirey nin boqor ah oo aad u kibir badnaa. Dadka iyo duunyadaba wuu ku amar ku taag
leeyn jirey. Qof la doodi jirey ama hadal ku celin karey muu jirin. Wax alaale wxii maskax
diisa ku soo dhaca ayuu ku dhaqaaqi jirey. Laaakiin wuxuu lahaa nin wasiir ah oo aad u aqli
badan. Talooyin wanaagsan ayuu siin jirey. Wixii ceeb ah ee uu leeyahayna wuu dabooli jirey. Wasiirka
lagama agwaayi jirin bqorka agtiisa. Gacantiisa midig ayuu ahaa. Safar hadduu u baxayo wuu raaci jirey.
Bqorku ninkan wasiirka ah aad buu ugu kalsoonaa. Talooyinkiisa iyo wax kasta oo uu u sheego wuu u
dhega nuglaa. Boqrku haddii uu u sheego wasiirka wax dhibaato ah ama dhiilo ah, wasiirku
marka uu talada siiyo wuxu odhan jirey oo uu hal hays u lahaa “in ay khayr inoo tahay ayaa dhici karta.”
Maalin maalmaha ka mid ah, boqorkii waxa soo gaaray dhaawac. Far baa ka go’day. Wasiirkii markii uu
arkay waxa ku dhacay boqrkii ayuu aad u naxay. Boqorkii ayuu warestay sida ay wax u dhaceen iyo sababta ay fartan u go’day. Boqorkii ayaa u waramay wasiirkii. Borkii siduu talo iyo duco u sugayey
ayuu wasiirkii yiri, “waxa dhici karta in ay khayr kuu ahayd boqorow.” Boqorkii baa yaabay. Wuxu
wasiirkii ku yiri, “ bal ku celi waxaad tiri.” Wasiirkii ayaa hadaladii uu hal hayska u lahaa ku celiyey. Boqorkii ayaa xanaaqay oo qaylo afka furtay, “ma haddaad fartan iga go’day tiri waxa dhici karta in ay khayr ii tahay.” Boqorkii baa hadalkiisii sii watay oo yiri, “war dhaawacan i soo gaarey maxaa khayr ka dhigay?”
Wasiirkii baa hadlay oo yiri, “boqorow waxa dhici karta in Ilaahay kaaga gudbay wax weyn oo kugu dhici
lahaa.” Boqrkii baa yiri. “wasiir waxa igu dhacay waa wax weyn, far dhan baa iga goday, adiguna waxad tiri waa khayr.” Boqorkii oo aad u xanaaqsan ayaa amar siiyey askartiisii in wasiirka la xiro oo xabsi lagu
hubsado. Wasiirkii ayaa boqorkii ka baryey in aan la xirin. Boqorkii wuu diiday inuu saamaxo. Wasiirki ayaa yiri, boqorow waxa dhici karta in ay khayr ii tahay in lay xiro. Wasiirkii ayaa jeelka loo taxaabay.
Muddo kadib, boqorkii iyo rag kale ayaa ugaarsi duurka u aadey. Boqorkii ayaa aad u fogaaday uu dadkii la socday ka lumay. Ragii ayaa boqorkii aad u raadiyey, laakiin jaan iyo cirib meel uu dhigay ayaa
la waayey. Boqorkii isagoo haboow ah ayuu wuxuu afka uga gaaley dad bilaa diin ah oo sanamyo caabudaya. Dadkii ayaa qabtay. Waxay la yaabeen ninkan quruxda badan ee ku lebisan dharkan
bilicda leh. Dadkii ayaa waxay isku raaceen in ninkan la dilo oo dhiigiisa loogu duceeyo sanamyadan ay
caabudaan. Intii dharka laga dhigayey oo mindidiina loo afesanayey, ayey dadkii arkeen in uu far la’yahay. Wey yaabeen. Dod baa dadkii dhex martay oo ah “ninkan farta la’ mieynu dhiigiisa sanamkeena ugu ducaynaa.” Dadkoodii wax garadka ahaa ayaa arintii guddi u saaray. Gudikdii waxay
soo go’aamisay in ninkan uu kala diman yahay, sidaas dareetna aanay habooneyn in qof
kala dhiman dhiigiisa lagu ducaysto. Boqorkii ayaa la sii daayey oo lagu yiri orod naga tag waxba
ku fali mayno qof far go’ane. Dadkii ayuu u mahad naq isla markaasna caga wax ka deyey isagoo
niyadda ku haya heestii ahayd, “naftu orod bay kugu aamintaa.”
Naxdintii iyo cidladii uu mudada dheer wareegayey ayaa daciifisay. Hase yeeshee intaa uu
wareegay oo uu doon-doonayey meeshii uu ka talin jirey, wuxu mar kasta maskaxda ku hayey
hadalkii wasiirka ee ahaa. ‘waxa dhici karta in ay khayr kuu tahay fartan go’day.” Wuxu ogaadey
In haddii aysan fartan go’an hayn in la dili lahaa. Intaa uu socday afkiisa wuxu ka lahaa, “wasiirkaygii
Xikmad baa ka buuxda.” Muddo dheer ka bacdi ayuu ku soo baxay magaaladiisii. Markaasuu farxay
oo dhoola caddeeyey. Dadkii uu xukumayey oo ka raystay ayaa arkey boqorkii oo soo
galay magaaladii. Wey yaabeen oo waxay isla haayeen shar wadihii Ilaahay baa idin ka kaxeeyey.
Wax kasta oo ay dadku isla haayeen, haddana boqorkii waa la soo dhoweeyey.
Markii uu muddo nastay, ayuu isugu yeerey askartii iyo raggii kale ee la shaqayn jirey.
Xaaladda guud ee deegaanka uu xukumo ayuu ka wareestay. Markii uu warkii oo dhan heley ayuu wuxu weydiiyey in wasiirkii uu weli ku jiro jeelka. Waxa lagu yiri boqorow amarkaaga ayaa lagu xirey cid siideyn kartana ma jirto. Wxay u sheegeen in uu weli jeelkii ku jiro. Madaxa ayuu xabsaday. Amar ayuu bixiyey in hadda la soo daayo oo weliba isgaa loo keeno. Askartii ayaa jeelkii deg-deg u taktay. Ninkii ayey albaabkii ka fureen. Isagoo caatoobay oo aad u liita ayaa boqorkii loo keenay. Boqorkii baa iska
Ilmeeyey. Amar ayuu bixiyey in dharka laga soo bedelo, cunto uu ka dhergana la siiyo ka bacdina isaga loo keeno. Amarkii ayaa sidii lagu fuliyey. Wasiirkii oo dhar qurux badan ku lebisan oo caloosha soo buuxsaday ayaa boqorkii loo keeney. Boqorkii ayaa farta ku fiiqay kursi oo wasiirkii ku yiri ku fariiso.
Markuu wasiirkii fariistay, ayuu boqorkii ku yiri nin xigmad badan ayaa tahay. Dadkii meesha fadhiyey ayaa is eegen oo la yaabay hadalka boqorka. Waxay la yaabeen ninkii uu xiray ayuu leeyahay waad xigmad badantahay. Macnaha hdalkan boqorka ayey garan waayeen.
Boqorkii ayaa ninkii iyo raggii kale uga sheekeeyey wixii dhacay iyo dhibaatooyinkii uu soo maray intii
uu maqnaa. Wuxuu war bixin buuxda ka siiyey sida uu uga badbaadey dilkii loo qorsheeyey. Boqorkii baa intuu fartiisii tusay dadkii ayuu ku yiri wasiirkii, “manta ayaan ogaadey in farti iga go’day ay khayr ii
ahayd. Dadkii baa qosolay. Boqorkii ayaa wassiirkii ku yiri, “aniga fartan khayr bay ii ahayd, bal waxad
ii sheegtaa sabaabta xabsigu adiga khayr kuugu ahaa.” Boqorow horta waad mahadsantaahay. Xabsiga anigaa khayr buu ii ahaa sabatoo ah markasta adiga ayaan ku raaci jiray. Haddii aan kula socon lahaa markii lagu qabtay, adiga farta ayaa lagugu siidaayey, laakiin aniga waa la i dili laha ilayn fari igama go’ne sidaas darteed jeelkii aad i gelisay aniga khayr buu ii ahaa, sida ay fartan kaa go’an khayr kuugu noqotay.”